Fanaannadda Weyn Sahra Halgan Oo Xarunta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Ee Hiddo Dhawr Ka Furtay Caasimadda Hargeysa + DAAWO SAWIRRO

0
2350
Fanaannad Sahra Halgan
Fanaannad Sahra Halgan

Hargeysa,(HargeisaPress) —  Fanaannadda Caanka ah ee Reer Somaliland Sahra Halgan, ayaa Xarun Hiddaha iyo Dhaqanka ah oo loo bixiyay HIDDO DHAWR ka furtay Hargeysa.Goobtan Hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku qalabaysan Noocyada Kala duwan ee Soomaalidu lahayd dhaqanka, sida weelka, Agabka guriga iyo waxyaabaha xoolaha loo adeegsado, iyadoo Gidaaraddana lagu sharxay qaybaha kala duwan ee Xayawaanka iyo Xoolaha.

Wasiirka Ciyaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Waddani, Musharaxa Madaxweyne ee Ucid, dad badan oo ehel u ah Dhaqanka, Masuuliyiin iyo marti sharaf kale ayaa ka soo qayb gashay Madashan lagu daahfurayay goobta dhaqan oo xarunteedu tahay Meel wax yar koonfur ka xigta Biriijka labaad ee Hargeysa.

Xarunta Dhaqanka 2

 

Fanaannad Sahra Halgan oo ugu horayn madasha ka hadashay ayaa sharaxaysa Goobtan Dhaqanka iyo Dalxiiska ku salaysan “Waxaan leeyahay Hiddihii iyo dhaqankii waanu bilawnay, waad arkaysaan waxbaa naga yara qabyo ah. Iidiin sheegi mayno meelaha aanu ka keenay Cawsaska ee qaar baa soo socda, qaarbaa todobaado soo socday, qaar baa hadda Hargeysa dhex yaala oo aanaan wali ka soo rogin, markaa intan iyo in ka badan ba waad arki doontaan haddii Alle yidhaahod.” Sahra Halgan waxay Bulshada ku soo dhawaysay goobtan dhaqan “ waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada, wakhti walba, mar walba, saacad walba way idiin furan tahay ee Caruurtiina iyo dumarkiina iyo idinkaba waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada. Hidduhu waa muraayada ay dadku iskugu yimaadaan ee ka dhexeeya ee aan siyaasad  lahayn ee aan is colaadsi lahayn, waa muraayada Kaliya ee inaga dhexaysa haddii aynu Reer Somaliland nahay” Wasiirka Ciyaaraha Somaliland Cali Siciid Raygal oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada dhaqanka isagoo Sahra Halgan iyo Kooxdeeda dhinaca dhaqanka ah ku bogaadiyay Xaruntan dhaqan.

“waxaanu jecelahay in dad badani idinku daydo, Cawsaskan Quruxda Badan, Dhiilahan, Guryahan Dhoobada ah, Aqal Soomaaligan Kabdaha iyo cawsaska ah, rutnii waxay ina xasuusinaysaa soo jireenkeenii iyo dhaqankeenii hore ee aynu ka soo jeednay, waxayna dawo u noqonaysaa Jiilka Cusub ee maanta joogaa inay idinku daydaan oo ay ogaadaan in dadkoodii hore Awrtaa raran jireen, Lo’daa maali jireen, Deerada iyo Biciidku dhulkooda joogeen, Aqal soomaaligaa la gali jiray, Hiddihii iyo dhaqankeenii suubanaa ayay tusaale u tahay” ayuu yidhi wasiirku.

Waxaa isna hadal kooban ka jeediyay munaasibada Musharaxa Ucid Jamaal Cali Xuseen  waxaanu yidhi “Runtii Sahra Halgan waan ku hambalyaynayaa dadaalka ay samaysay, waxayna noqon doontaa mid aynu ku faano oo marka dadku inoo yimaado meelaha qurxoon ee aynu dadka tusi doono ayay noqonaysaa. Xukumaddana waxaan leeyahay waa in Bajad loogu daro Shakhsigaa Dadaalay ee Sahra Halgan si loo dhiiri galiyo”   Gudoomiyaha Waddani iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Cirro, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxaanu yidhi

“ Waxaan Hambalyaynayaa Sahra Halgan oo Halkankii dheeraa markii lagu guulaystay haddana bilawday halgan dheer oo dhiniciii dhaqanka ah.runtii Xarumahan oo kale waxay wax tar u leeyihiin Caruurteena, xataa kuwa Hargeysa ku dhashay qaar baa laga yaabaa inaanay Miyi waligood tagin. Waxaynu ku soo wada barbaaray Aqal Soomaaligaas oo qoyska 20 Qof ahi hal aqal Soomaali buu lahaa. Jamaala waan la qabaa in Dadaalkaa Shakhsigu sameeyay Qaranku caawiyo”. Xaruntan ayaa Ciyaaraha kale duwan ee Hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida lagu soo bandhigay, kuwaasi oo ay ciyaarayeen Kooxda Sahra halgan.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here