Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Goboladda Bari

0
699

Berbera (HP):Madaxweyne xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu baxay goboladda Bari ee dalka.

Waxaanay madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisu gaadheen magaaladda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasi oo madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa si weyn loogu soo dhaweeyey.

Safarka Madaxweyne ku xigeenka ayaa ujeedadiisu tahay kormeerka Mashruuca JPLG ee Dawladaha Hoose ee Berbera, Burco iyo Oodweyne, mashruucan oo uu Madaxweyne ku xigeenku gadhwadeen ka yahay ayaa sannadkiiba hal mar uu kusoo kormeeraa Degmooyinka uu mashruucaasi ka socdo.

Maayarka Degmada Berbera iyo masuuliyiinta Dawladda Hoose ee Berbera oo uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenku ayaa waxa ay ka warbixiyeen geedi socodka Mashuurca JPLG.

Waxyaabihii uga qabsoomay muddadii ay joogeen iyagoo si rasmiya usoo bandhigay wax qabad buuxa iyo taabagelinta qorshihii mashruucaasi, waxaana ay sheegeen inay xooga saareeen Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland oo halkaasi ka hadlay ayaa bogaadin usoo jeediyey Golaha Deegaanka Degmada Berbera oo ay horkacayaan Maayarka iyo Xoghayaha fulinta.

Waxaanu ku amaanay masuuliyada xilkasnimada leh ay sameeyeen iyo siday uga dhabeeyeen himiladii mashruucaasi dhankooda.

Waxaanu yidhi, “Waxaa maanta Farxad weyn noo ah inaanu maanta nimaadno Degmadii Berbera kormeerkii sannadlaha ahaa ee mashruuca JPLG-ga.

Iyadoo aanu sannad walba mar soo marno degmooyinka uu ka socdo mashruucaasi, marwalbana aanu kusoo horayno degmada Berbera”.

C/raxmaan Saylici,  oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi,  “Muhiimadu dhaqaalaha uun maaha ee waa siduu wax u maamulo bani aadamku, waa sidaa imika qaramada caalamka waddan dhaqaale badani soo galo.

Haddii daynta iyo dhibaato iyo wareer ku jira, dal yar oo haddana aan kheyraad lahayn haddana si fiican wixiisa u maamushay.

Waxaynu u baahan nahay in Degmo walba waxa yar ee ay haysato si wacan u maamulato, maamulka wanaagsan uun baa bani aadamka wax gaadhsiiya, adeegiisana hagaajiya”.

Hargaysa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY