DALKASTA OO WANAAG LAGU SIFEEYO OO HORE U SOCOD IYO HORUMAR GAADHAY DADKIISA AYUUN BAA HALKAA GAADHSIIYEY !!!

0
726
Muhamed Dhimbiil

Waxa aynu ognahay oo ka warqabnaa in iyada oo lagu wada nool yahay dunida guudkeeda la kala dheereeyey oo ay dalal iyo dawladona lagu yaqaano hanaan wanaagsan iyo in ay horumar gaadheen , dalal iyo dawlado kalena hadheen oo meel hoose taagan yihiin , waxaana uu isweydiinayaa qofkii in uu feker iyo wax isweydiini ku jirtaa , tolow waa maxay waxa halkaa kala geeyey amaba lagu kala dheereeyey ?

Haddaba hadii aad u dhabo gasho isweydiintaa in aad jawaab u hesho waxaa kuu soo baxaysa waxa halkaa lagu kala gaadhay ee lagu kala dheereeyey in ay tahay dal walba dadkiisa dedaalkooda sida ay u fekerayaan , waxaana la ogaaday in dalwalba dadkiisa uuni ay horumar gaadhsiin karaan ama ka dhigi kara dal habaaska hoganaya.

Ma jirto awoodo dadku is dheer yihiin oo xaga samayska ah , laakiin waxa la is dheeraaday oo halkaa kala geeyay dadyowga aduunka guudkiisa ku nool waa dedaal ,hawlkarnimo , aqoon , tacab iyo maanka oo la tuujiyey muruqana laga shaqeysiiyey.

Waxa hubaal ah oo aynu ka wada war qabnaa in nolosha aadamuhu ka soo bilaabay meel hoose oo isku wada mid ah , waxaa laga dheregsan yahay in adamuhu soo wada maray kacaa-kuf nololeed iyo ka werwerka sidii ay u noolaan lahaayeen kuna suuragalin lahaayeen qaab ay u noolaadaan oo dhaama sida markaa loo noolaa amaba noloshooda hore wax ugu sii kordhin lahaayeen si ay halkaa kor uga soo kacaan.

Waxa iyaduna dhacda oo in badan aynu taariikhda ku aragnaa amaba si toos ah u aragnaa dalal iyo dawlado horumarsan oo barwaaqo iyo nolol wanaagsan haysta oo dib u burburay gaadhayna halka ugu hoosaysa kana mid noqday dalalka aduunka ugu hooseeya , tanina waxa uun sababteeda leh dadka oo haysan kari waayey waxii ay dhaxleen amaba cid jujuubaysay oo meesha ka baxday dadkana aanu garaadkoodu u bislayn umad haysan karta waxii ay kasbatay ee wanaag iyo horumar ahaa.

Marka loo kuurgalo waxyaabaha iyo meelaha uu horumarka umadu ka yimaado waxaa ay noqdaan meelo dhawr kala duwan ah oo uu ka unkamo horumarka umadi gaadhaa , waxaana ka mida kuwaa :

  • Umad ay dhibaabaha aduunku taabteen kuna kalifeen in ay fikiraan oo isku tashadaan oo ay daw iyo dariiq ay kaga baxaan jeexday , sees adag dhistay oo ka kooban tabtii la raacayey taladii lagu kala jid baxayey iyo seetadii xidhaysay cidii waxogaa wax ka xumaysa , iyaga oo helay hogaan jiho leh iyo dadwayne jaanta la helay , qaabkani waa ka ugu wanaagsan uu umadi dhigato inkasta oo horumarkiisu soo raago hadana waligii hoos uma soo noqdo in uu kor uun u sii socdo mooyaane.
  • Kani labaad waa hogaamiye hal adag oo himilo fog oo dad ka soo dhex baxa horumarna sameeya laakiin isaga iyo wadciga ay ku sugan yihiin dadkiisu kala tagsan yiihiin isla markaana isla heli waaya jiibta oo uu noqdaasi horumarkaasi wax ku xidhan qof oo maalinta uu meesha ka baxo baaba’a inta badana aynu aragno wadamo badan oo ay sidaasi ku dhacday , sababtuna ay tahay dadkooda oon dhisnayn aqoon ahaan iyo aragti ahaanba.
  • Waxa iyaguna jira qolo sadexaad oo ah kani ugu liita oo waa koox afduubta waxii dadku wada lahaayeen oo jujuub iyo xoog umada ku haysata oo laga yaabo inta ay meesha joogaan in ay waxogaa horumar ah oo muuqda sameeyaan , ha yeeshee qaabkani 99% dadyowga aduunku ma mahadiyaan qaababka noocan ah raadkooda waxaana inta badan laga dhaxlaa burbur iyo wax ka sii xun waxii maalintii ay meesha yimaadeen jiray.

Haddaba marka aynu u soo noqono dalkeena iyo dadkeena inagu qaabkee ayeynu ku suganahay sadexdan qaab ? dal ahaan noocee aynu u qaabeysan nahay sadexdan qaybood ee kor ku xusan ? Su’aalahani waa qaar aan u dhaafayo akhristayaasha qoraalkaygan bal si aynu isku qiyaasi karno bulsho aan halka aynu ku suganahay.

Umad waliba xiliga ay nooshahay waxii jira hadii uu wanaagsan yahay iyadaa ku amaanan amaba ku ceebaysan hadii uu xun yahay , waayo xikmada loo nool yahay ee lagaaga duway noolaha kale ee ibnu adam lagaaga dhigay ayaa ku faraysa in aad fikirto oo wax isweydiiso isla markaana noqoto mid ka faaiideysta maalmaha uu nool yahay si uu uga tago raad wanaagsan oo lagu xasuusto.

Si hadaba aynu u raadayno nolosha dalkeenana wax uga qabano si uu u noqdo mid ka mid ah kuwa la hiigsado inaguna noqono umad la xasuusto oo taariikh iyo talo wanaagsan ka tagta waxa haboon in aynu qodobadan yeelano aniga aragtidayda ahaan;
1- Waxa ugu horeeya ee aynu u baahanahay ee seeska inoo noqonaya aynu ku horumari karnaa waa waxa ina kala hagaya ee aynu dhiganay oo aynu ixtiraamno isla markaana ilaashano oo aan mid sare iyo mid hoose cidina ku gafi Karin cidii geftana meel looga soo wada jeesto , waxaana ugu horeeya ee lagu horumari karaa waa sharciga iyo kala dambaynta la samaysto oo sideeda loo raaco.

2- Marka aynu haysano sharci wanaagsan iyo nidaamka aynu dhiganay oo wanaagsan waxa haboon in aynu maanka aad u tuujino muruqana ka shaqeysiino oo ku toosno sidii aynu u hiigsan lahayn horumar , halka aynu maanta joognana hore ugaga dhaqaaqi lahayn.

3- Hogaan hami sare iyo himilo fog leh oo aynu helno iyo dad dhisan oo garaadkoodu bisil yahay oo si wax ula arka amaba uu u dhugan kara , amaba uu hogaamiyuhu noqdoba mid dad ahaan tacab galiya in hab fikirka dadka uu kor u qaado si looga midha dhaliyo hamiga iyo himilada fog ee uu leeyahay.

Muhamed Dhimbiil
hormood@hotmail.com
+252634429221/634241005
@dhimbiil:twitter

LEAVE A REPLY