Kooxo Wadaado Ah Oo Habeenadii U Danbeeyeyba Dhalinyarada Caasimada Hargeysa U Qaybinayay Waraaqo Lagu Gubaabinayo Jihaadka,Nacaybka Gaalada Iyo Ka Gilgilashada Nidaamka Dimuqraadiyadeed

0
774

Hargeysa, (HargeisaPress) —Kooxo wadaado ah oo aan la aqoosan Cidda ay ka tirsan yihiin ayaa habeennadii ugu dambeeyey meelo kala duwan oo caasimadda Hargeysa ah dhallinyarada ku bar-tilmaameedsanayay,kuwaasi oo qofkii dhallinyaro ah ee ay arkaan u dhiibayey nuqullo waraaqo ah oo ka kooban sagaal bog oo ku qoran Af-soomaali iyada oo nuxurka waraaqahaasi ay xambaarsanaayeen farriimo si weyn looga soo shaqeeyey oo la xidhiidha nacaybka Gaalada, ka fogaanshaha Nidaamka is maamul ee dimuquraadiyadda, Jeclaysiinta dhallinyarada ee Jihaadka, Ka Fogaanshaha Mabda’ Gooni Isu Taagga ee Somaliland iyo Muhiimadda ay leedahay in gaalada la naco, laga fogaado lagulana dagaalamo meel kasta iyo goor kasta.

 

Mid ka mid ah dhallinyarada nuqulladaasi waraaqaha ah loo dhiibay oo la soo xidhiidhay wargeyska FOORE lana wadaagay waraaqihii la siiyey ayaa sheegay in uu wakhti habeennimo ah oo ku beegan ku dhawaad 10-kii habeennimo isaga oo gurigooda ku sii hoyanaya lagu garab qabtay gaadhi Suzuki ah oo ay saaran yihiin afar nin oo gadh waaweyn sidoo kalena ku labbisnaa khamiisyo, kuwaasi oo salaan kadib ii sheegay buu yidhi in ay ii wadaan khayr iyo wanaag.

 

Ninkan dhallinyarada ah oo aanu magaciisa u qariyey sababo amni ayaa Wargeyska Foore u sheegay sidan: “Habeen dhawayd aniga oo sii hoyanaya xaafaddayda oo ku taalla Jigjiga Yar Degmada Ibraahim Koodbuur waxa la igu garab qabtay gaadhi yar oo Suzuki ah oo ay saarnaayeen dad aan u maleeyay tiradooda illaa afar nin kuwaasi oo aanan wajiyadooda hore u arag. Markii ay ila sinnaayeen waxa ay igu bilaabeen salaanta islaamta, markii aan ka qaadayna waxa ay ii soo fidiyeen nuqul waraaqo ah oo isku xidhan oo cabbirkoodu yahay A4 Size kadib waan ka qaaday waxaanay igu yidhaahdeen khayr baanu kuu sidnaaye walaal akhriso kuna camal fal, walaalahaana u sii gudbi.

 

Waan ka qaaday waanay I dhaafeen waxaanan sii arkayay iyaga oo tiraba dhawr qof oo jidka marayay u dhiibayay. Mudadii koobnayd ee ay ii dhiibayeen qaar ka mid ah raggan oo gaadhiga saarnaa taleefano ayay ku hadlayeen oo waxa ay u egaayeen rag si qorshaysan u qaybinayey qoraaladaasi”.

 

Dhinaca kale isla waraaqo kuwan oo kale ah ayaa wargeyska FOORE loo xaqiijiyey in habeenadii ugu dambeeyey si aan qarsoodi ahayn loogu qaybinayay xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimadda Hargeysa iyada oo aan la ogayn ujeedada rasmiga ah ee waraqahaasi laga lahaa walina aanay ka hadal laamaha ammaanku. Nuqul ka mid ah qoraalkaasi oo aan helnay waxa ku duugan farriimo ku qoran luuqadda Soomaaliga oo guubaabo ah oo isugu jira axaadiis, aayado qur’aan ah iyo gabayo Soomaali ah oo lagu caayayo gaalada si iyo in cidda gaalo la shaqaysa laga fogaado lalana dagaalamo iyada oo qoraalkaasi u diyaarsan yahay qaab soo jiidasho leh oo ay ka muuqato in ay diyaariyeen rag ku xeel dheer Jeclaysiinta Dhallinyarada dhinacyada Jihaadka iyo ka fogaanshaha nidaamka dimuquraadiyadda. Sidoo kale nuqulkan waraaqaha ah ee la qaybiyey waxa ku qoran kelmado lagu cabbirayo in 90% dadka Soomaalidu aanay aqoon sida loogu dhawaaqo Ashahaadada, gabayo la soo xulay oo Abwaano Soomaaliyeed hore waxa ugu sheegeen Gaalada.

 

Sidoo kale waraaqahan waxa aad loogu faahfaahinayaa sida ay sheegeen in dadka Soomaalidu diintooda uga fog yihiin oo ay u qaateen mabaadii’ reer Galbeed oo loo baahan yahay in umadda la nacsiiyo. Qaybinta waraaqahan oo lagu soo beegay xuska sannad guurada 18-ka May ee maalinta la soo noqoshada qaranimada Somaliland ayaan la ogayn cidda soo abaabushay oo u muuqda jihooyin qarsoon oo hab qorshaysan u qabinayey iyada oo aanay noo suurta galin in aanu helno ama wax ka waydiino kooxda qaybinaysay.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here