Hargeysa: 26 ka Juun Maalinta Xorriyadda Somaliland’ Axmed Xasan Carwo

0
146
Axmed Xasan Carwo

Waa xuskii 59 naad ee maalintii xorriyadda, maalintii gumeysigu ka huleelay dalkeena ka dib qarni uu talo xumo iyo wax qabad la’aan inagu maamulay, inagu kala qaybiyey oo uu nidaam qabiilaysan oon ka bax lahayn inoo dhigay. Waa ayaan xus iyo qiimeyn mudan, ayaan weyn oo taariikh dahab ah leh, ayaan faan faan iyo farxadi umadeyna mideysay yar iyo weyn rag iyo dumar.

GUJI HOOS OO DHEGEYSO0 ABWAAN TIMOCADDE AHUN IYO GABAYGII CAANKA AH EE 26KA JUUN.

Waxa inaga dhigay Soomaliland een Soomalida kala kaga duwannay waa maalintan inteena ku abtirsata Somaliland isukeyn keyntay, inoo yeeshay dhul xadidan, dawladnimo iyo dhaqan dhaqaale inoo gaar ah. Iyadaa inaga dhigtay ummad taariikh gooni ah iyo dabecado u gaar ah leh. Iyadaa inaga dhigaty inaynu ku dhaadano magaca Soomaliland. Iyadaa u sal ah oo dhashay halgamadii ina soo maray ee uu ugu dambeeyey kii SNM ee aynu dib u dhisnay jamhuuriyaddii labaad kolkaynu dib ula soo noqonay qaranimadii aynu ku luminay haybaddii 26ka Juun.
26kii Juun 1960, waa dharaartii aynu gobanimada helnay, waa ayaantii aynu noqonay dal xor ah oo ka mid ah dalalka adduun weynaha, waa maalintii ay ina aqoonsadeen dalal ka badan 30. Waa ayaantii abwaan iyo hoobal tooni aanu wax la hadhin. Waa dharaartii Alle ha u naxariistee Cabdillahi Suldaan Timacadde iyo Cabdi Iidaan tiriyeen gabayada taariikhiga ah een doogoobin. 26kii Juun 1960, waxay ahayd maalin in badan la saadaalinaayey. Waxay ahayd maalin rag iyo dumar, ciroole iyo caruur loo ciyaaray, loo soo jeeday, loo xaragooday.
Waxay ahayd maalin intii dhalatay wiil iyo gabadhba loo bixiyey sitiin, dhalinyaro badanina ay ku beegeen arooskooda. Waxay ahayd maalin wiil iyo gabadhii dhalatay lagu tilmaamay cawo dhalad. Waxay ahayd maalin xisbiyada qaran, mucaarad iyo muxaafid ay gacmaha is qabsadeen. Maalin hadal macaan iyo weji furan leysku salaamay. Maalin miskiinka taakulintiisa la kala boobay. Maalin Soomaali madax kor u qaaday. Maalin kii shalay ku gumeysanaayey uu magan kuu noqday.
Waxay ahayd maalintii u horeysay ee 5ta Soomaali dhammaan wada ciiday. Waa dharartii u horeysay ee dal xor ah oo Soomaaliyeed dhashay. Haddaba waxa dadka qaar isku qaldaan maalintan qaayaha leh ee la odhan karo waa tan ugu mudan ummadda Soomaaliyeed, iyo dhibaatadii, burburkii iyo dilkii ka dambeeyey ee dhaliyey inay burburto hilowgii iyo himiladii weyneed ee midnimada shanta Soomaaliyeed. Halgamayaashii ay horseedka u ahaayeen xisbiyadii NUF, USP iyo SNL, waxay ahaayeen qaar niyad wanaagii ay u hayeen midnimada Soomaaliyeed si shuruud la,aan ah oo weliba qayb xuma ah ula mataanooba Konfurta. Lagama helin dhankooda xaqsoor wacan iyo maamul rumeyn kara hadafkii weynaa ee israaca. Waxay noqdeen laba shuraakoobay oon si cadaalad ah dheefta ay wadajirka ku heleen u sinayn. Waa cadaalad darada lagala kulmay Koonfur tan ay ka dhalatay taariikhda madow ee israaca inaga soo gaadhay ee ma aha mid loo nisbayn karo 26ka Juun iyo maalinta gobannimada Somaliland.
Bal u fiirso waxa la ciyimay in shanta Soomaaliyeed shan maalmood oo isku xigta loo diyaariyo. Waxa la gartay in Somaliland oo u horreysaa qaadato 26ka Juun, Xamarna 30ka Juun, Kowda Juulayna noqoto maalinta israaca oo marba cidda xorowdaa ay kuwa xorta ah ku soo biirto. Waxa loo daayey 27, 28, iyo 29ka Juun seddexdii aan weli xoroobin. Waxa soo raacday Jabuuti oo sidii loo qorsheeyey qaadatay 27kii Juun. Labada kalena loo jaangooyey Soomali Galbeed iyo NFD.Taas ayey ku dhisnayd hammigii iyo himmiladii is-raaco.
Waxba kaga noqonmaayo dhibtii, dilkii, dulmigii inaga soo gaadhay is-raaca, waayo weynu ka bogsanay oo manta waxaynu nahay dal xor ah oo midaysan, nabad ah oo dimuquraadi ah.
Waxa Soomali u dan ah in qolo walba halkeeda ay nabad iyo horumar ku gaadho. Waxaynu ognahay in Somalida Kenya iyo Itoobiyaba ay maanta gaadheen horumar iyo nabad. Taasi ayaa inoo xaqiijisay in nabadda iyo wadjirka inta isku dalka ihi fure u tahay horumarka. Waa inaynu ka horeysiina danta shacbiga nabadda u buka hadafka gaaban ee siyaasiga jaceylka madaxnimo dhaafsiisanaaya nolasha dadkiisa. Waa in taliska Soomaliya uu garwaaqsadaa rabitaanka Shacbiga Soomaliland sida uu u aqoonsaday doonista iyo masiirka Soomalida Itoobiya iyo kuwa Kenya, horeyna aynu u oggolaanay walaalaheen Jabuuti oo markaynu u baahannay inoo noqday garab aynu ku tiirsano iyo dhul aynu ku badbaadno.
Aan ku laabto astaamaha maalintan.26ka Juun waa maalin rajo wanaag iyo saadaal suuban la kowsatay ee waa in la mariyaa maamuuska ay leedahay oon hoos loo dhigin. Waa inay noqotaa mid qalin dahab ah lagu qoro, lana soo ban dhigo qiimaha xoriyaddu leedahay. Tani wax xidhiidha lama laha dhibaatooyinkii ka dhashay is-raaca oy sababteedu ahayd arrin inagaga timid meel aan la filayn.Yaan leysku xidhin gumeysi erigii iyo khasaarihii lagala kulmay israaca.
Waa in la xusaa ragii u soo halgamay xoriyadda abwaano, siyaasiin, odayaal iyo culumaba. Sidoo kale waa in la xusaa xisbiyadii jiray iyo giraanta taariikhda oo lagu xidhiidhiyo halgankii SNM, iyo dhammaan halgamadii ka horeeyey ee sida dastuurku sheegay ka bilaabmaayo kii Daraawiishta, iyadoo la maamuusaayo ciddii ku dhimmatay,ku-dhawacantay, kuwa ku agoonoobay iyo inta nool oo la qadariyo. Waa in ubadka loo qoraa taariikhda. Ogow cidda aan aqoon waxay shallayto ahayd ma garan karto waxay noqon berito.
26ka Juun waxa dhaliyey muwaadiniin gacmaha is haysta, kala xisbi ah, kala beel ah, oo wadaninimo walaalaysay. Waa lama iloobaan geesinimadii Faarax Oomaar iyo Sheekh Bashiir, halgankii seddexda xisbi ee SNL, NUF iyo USP.Waxaan la iloobayn kaalinta ay ka qaateen abwaanada Timacadde, Cabdi Iidaan, Barkhad Cas, Cabdillahi Qarshe, Guduudo, Cali Sugule iyo dhammaan Walaalo Hargeysa. Sidoo kale siyaasiinta iyo odayada ay ka midka ahaayeen Suldan Cabdillahi, Suldaan Cabdirahmaan, Garad Ali , Goodaad, Cigaal, Axmed Xasan, Michael Mariono iyo dhammaan intii halganka dheer u soo martay xoriyadda dalkeena hooyo.
Waa dharaartaan waxyeeladii dhaqdhaqnay, noqonay qaran xor ah oo ku biiray dunida xorta ah. Waa ayaanta aynu xididka u taagnay qarannimada Soomaliland. Waana iyada tan aynu u garnaqsanaa ee sharciyeynaysa qarannimadeena. 26 June 1960, rabitaanka shacbiga ayaa caydhiyey isticmaarkii Ingiris, isla rabitaanka dadweynaha ayaa sidoo kale soo celiyey kolkay fool habowday dhidib adagna u taagay qarannimada Soomaliland.
Aan xusno oon siino qiimaha ay leedahay.
Axmed Xasan Carwo 

LEAVE A REPLY