Xaflad Ballaadhan oo Lagu Muunayeeyey 59 Guuradda ka soo Wareegtay Xornimadii Somaliland ka Qaadatay Ingiriiska oo lagu qabtay Madaxtooyada

0
785

Hargeysa,(HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa xalay  xarunta madaxtooyada kaga qaybgalay xaflad lagu muuneynayey 59 Guuradda ka soo wareegtay markii Jamhuuriyadda Somaliland ay xornimadeedii ka qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska 26kii June Sannadkii 1960kii.

Xafladan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgalay  Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweyne Ku-xigeennadii hore ee Somaliland, Guddoomiyeyaasha labada aqal ee Baarlamaanka Guurtidda iyo Wakiillada Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, Guddoomiyaha Maxkamadda sare Md. Aadan Xaaji Cali Axmed, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,  Wasiirro, Wakiillada dawladaha Itoobiya, Jabuuti iyo Turkiga, Wasiirro, Waxgarad iyo  marti sharaf badan oo madashaas lagu casuumay.

Xafladaasi waxa lagu soo bandhigay  Suugaan ka turjumaysa taariikhda dheer ee halgankii xornimo doonka Somaliland, waxaana bandhig faneed ku soo bandhigay fanaaniinta Qaranka,  Xiddigaha Geeska iyo fanaaniinta xarunta agoomaha Hargeysa.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here