Madaxtooyada Somaliland oo u Jawaabtay Hadallo Naxli Xambaarsan oo ka soo Yeedhay Farmaajo

0
773
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa,(HargeisaPress) —Xukuumadda Somaliland ayaa jawaab ku habboon ka bixisay hadallada ladhka sii kicinaya ee ka soo yeedhay Madaxweynaha dawladda aan iskeed isku maamuli karin ee Soomaaliya, Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

War-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyada JSL Maxamuud Warsame Jaamac oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa u qornsaa sidan:-

“Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ladh iyo dacar ku kiciyey hadalka Madaxweynaha Maamulka Muqdisho ee ah, “Wax walba waxa loo hurayaa sidii loo soo celin lahaa Somaliland”.

Waxa gef ah in Maamulka Muqdisho iyagoo og dhibtii ay u gaysteen shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, in ay waliba ku tiraabaan, waxaanu u debaal-dagayaa Xornimadii Somaliland ee 26 June 1960-kii. Ma waxay u dabaal-degayaan diyaaradihii iyo madaafiicdii ay la dhaceen shacabka Soamaliland? Marka aadse u debaal-degaysaan 26 June oo aydaan halgankeedii waxba ku lahayn wax-yeelo mooyee, ma waxaad ujeeddaan in aad muujisaan in Somaliland wali tahay qayb ka mid ah Soomaaliya?

Waa aragti dhalanteed ah. Waxaannu u aragnaa colaad la sii hurinayo, kala fogaansho iyo dib u soo celinta damaqa xusuusta dhibaatadii gaadhay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xafladdaynta Muqdisho iyo hadallada naxliga leh ee maamulka Muqdisho waxa ay la macno yihiin wixii dhibaato aan kuu gaystay ka garaabi maayo, waliba waxaan duudsiyayaa go’aanka Shacabka Somaliland ku gaadheen in ay dib ula noqdaan xoriyaddii kaga luntay walaalnimo jacaylka iyo midnimadii dayaxeedu dhacay.

Marar badan masuuliyiinta Soomaaliya waxay soo xigtaan Gabaygii Kanna Siib, Kana Saar ee Alla ha u naxariistee Cabdillaahi Suldaan Maxamed (Timacadde). Balse waxa aanay dhaadanayn in Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku saxay gabayga yidhaahda.

“Dudadaanu ahayne,

Dawlad soo gadhay ma ihine,

danteenaa laba diidaye,

Dabuub aannu maqlaynay,

dareen baannu ka qabnaayoo,

dugsigii Baarlamaankiyo,

Dekeddii Xamar baa leh,

Berbera daadku ha qaado,

dooniyi yaanay ku leexan”.

LEAVE A REPLY