FOA Oo Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Ku Wareejisay 868 Taangi

0
1065

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Hay’adda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan cuntadda iyo beeraha ee FOA ayaa maanta 868 Taangiyadda biyaha lagu kaydsado ah ku wareejisay  wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland.

Taangiyadan ayaa la sheegay in loogu tallo galay in bulshadda xoolo dhaqatadda ah ee ay abaartu soo waajahday si biyaha ay u baahan yihiin ay ugu kaydsadaan lahaayeen. Kuwaasoo midkiiba uu qaadayo 50 Litir.

Iyadoo hay’adda FOA ay noqonayso hay’addii u horaysay oo ka soo jawaabta baaqyo mudooyinka ka soo yeedhay madaxda xukuumadda Somaliland oo la xidhiidhay sidii gurmad biyood loo gaadhsiin lahaa bulshadda goboladda bariga oo abaar iyo biyo la’aan ay haysato.

Munaasibad loo qabtay wareejinta Taangiyadan waxaa goob joog ka ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Yurub Abiib Cabdi, agaasimaha guud ee wasaaradaasi, masuuliyiin sare oo ka socday hay’adda FOA, xubno ka socday hay’adda u diyaar garowga Aafooyinka iyo kaydka raashinka ee Somaliland.

Yurub Abiib Cabdi, wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga ayaa sheegtay in Qarbadyadani ay gaadhsiin doonaan dadka loogu tallo galay oo ay hore u soo diiwaangeliyeen, isla markaana ay hay’adda FOA  warbixin hufan ku celin doonaan.

“Haddii aanu nahay wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu balan qaadaynaa in aanu Qarbadyadan sidii ay ugu tallo gashay hay’adda FOA in aanu meelaha loogu tallo galay u gaadhsiin doono, isla markaana warbixintoodda celin doono.

Meel kastoo Taangiyadan lagu bixinaya-na, aanu dadkii loogu tallo galay gaadhsiino. Dadkaasi oo aanu liiskoodda hayno, goobaha ay ku sugan yihiin ayaanu ku gaadhsiin doonaa”ayay tidhi wasiir Yurub.

Madaxa hay’adda FOA ee xafiiska Somaliland Maxamed Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in Taangiyadan ay wasaaradda xanaanadda xoolaha ku wareejiyeen ay kaga qayb qaadanayaan dedaalka wasaaradu ugu jirto sidii dadka abaarta iyo biyo la’aantu haleeshay gurmad loo gaadhsiin lahaa.

Maxamed Jaamac, oo arrimahaas ka hadlayay na waxa uu yidhi  “Waxaanu wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo kalluumaysiga Somaliland ku wareejinaynaa 868 Taangiyadda (Qarbadyo) oo waa weyn oo kuwa biyaha lagu kaydsado ah.

Kuwaasoo badankoodda midkiiba qaadayo 50 Foosto. Taasoo ku timid dedaalkii ay wasaaradda xooluhu ugu jirtay iyo codsiyadoodii ahaa in markay abaarro yimaadaan sida waxyaabo gurmad lagu gallo oo deg dega loo heli karo ayay tani  qayb ka tahay”.

Sidoo kale waxaa iyagna halkaas hadalo ka jeediyay Khaalid Siciid, oo isna ah madaxa xafiiska qaybta xoolaha ee hay’adda iyo  Mr. Asana Kasana, oo ah madaxa gurmadka ee hay’adda FOA, waxaanay tilmaameen in Qarbadyadan ay wasaaradda xanaanadda xoolaha ku wareejiyeen qayb ka yihiin sidii bulshadda biyo la’aantu hayso ee meelaha baadiyaha ku nool loo gaadhsiin lahaa.

Agaasimaha guud ee wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland oo isna goobtaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in sanadkii tegay qiimayn lagu soo sameeyay goboladda ay dadka Taangiyadan la gaadhsiin doonaa ku kala nool yihiin.

Waxaanu tilmaamay in Taangiyadan uu midkiiba qaadi karo 10,000 oo lItir. Waxaanu yidhi “Waanu ka gudoonay hay’adda FOA Taangiyadan oo ah 868  Qarbad, kuwaasoo midkiiba uu qaadayo 10,000 oo Litir. Una dhiganta 50 Foosto.

Waxaa sanadkii hore la sameeyay qiimayn ah meelaha Taangiyadan la dhigi doono, dadka reer Guuraaga ahi meelaha  ay joogaan, goboladda ay ku kala badan yihiin kuwa ay yihiin.  Qiimayntaasina way dhamaystiran tahay”.

Geesta kale waxaa maalmahan masuuliyiinta heer gobol, mid degmo iyo hay’adaha qaabilsan abaarraha ee Somaliland ka soo yeedhayay baaqyo la xidhiidha sidii gurmad loola gaadhi lahaa dadka ku nool gobollo ka mida dalka oo xaalad biyo la’aaneed iyo mid abaareed soo waajahday.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here