Goolhayaha Kooxda Chelsea ee amar diiddada sameeyay oo ganaax la dul dhigay

0
1463

Gool hayaha kooxda Chelsea Kepa Arrizabalaga ayaa lagu ganaaxay in aan la siinin mushaar hal isbuuc ah, taasoo ciqaab u ah amar diiddadii uu Aaxaddii sameeyay xilli la damcay in la baddalo, markii ay socotay ciyaartii fiinaalka koobka EFL-ka ee ay la yeesheen kooxda Manchester City.

Kepa ayaa sidoo kale raalli galin ka bixiyay habkii uu u dhaqmay, iyadoo ciyaartaasna ay guul darro kasoo gaartay kooxdiisa.

Ciyaartoygan goolka ilaaliya oo u dhashay dalka Spain ayaa si cad uga soo horjeestay in lagu baddalo gool haye Willy Caballero, iyadoo markaas uu gabo gabo ku dhawaa wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta oo ka dhacday garoonka Wembley ee magaalada London.

“Inkastoo uu jiray isfaham waa, waxaan sameeyay khalad weyn mana ahayn inaan sidaas u wajaho xaaladda”, ayuu yidhi Kepa oo raalli galintiisa ay qeyb ka ahayd bayaan kasoo baxay Chelsea.

Tababaraha kooxda Maurizio Sarri ayaa sheegay in tan iyo xilligaas ay si wanaagsan u wada hadleen isaga iyo gool hayaha.

Sarri, oo markii Kepa uu diiday in la baddalo aad u carooday ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaas ay salka ku heysay isfaham darro.

Balse wuxuu intaas ku daray in Kepa uu garowsaday khaladkiisa.

Chelsea ayaa mushaarka isbuuca ah ee loo diiday gool hayaha waxay ugu deeqi doontaa hay’adda dhinaca samafalka u qaabilsan kooxdan ee la yiraahdo Chelsea Foundation.

BBC

LEAVE A REPLY