Barnaamij Qaliinka Indhaha ah Oo Laga Bilaabayo Cusbitaalka Laascaanood

0
1096

Laascaanood (Hargeisa Press.com): Maayarka magaaladda Laascaanood ayaa ugu baaqay bulshadda ku nool degmadda Laascaanood iyo gobolka Sool in ay ka faa’iidaystaan barnaamij caafimaad oo dhawaan ka bilaabmi doona cusbitaalka magaaladda Laascaanood.

Sida uu sheegay maayarka Laascaanood C/casiis Xuseen  Maxamed (Taarwale), oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa.

 

Waxaanu ugu mahad celiyay wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo hay’adaha ay la kaashatayba barnaamijkan caafimaad.

Barnaamijkani ayaa ah hawl gal dhinaca qaliinka Indhaha ah, kaasoo Sabtida soo socota ka bilaabmi doona cusbitaalka guud ee magaaladda Laascaanood.

Halkan Ka Daawo Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here