DAWARSIGA CUSUB EE DARIIQU MA MID INAGU CUSUBAA ? By: Cabdilahi jante

0
1050

maqaalMeeshu waa magaalada hargeisa subaxa hore ayaan ka baxay guriga si aan u tago goobta shaqo ee aan ka shaqeeyo sida caada ii ahayd subax kasta waxaan bilaabay inaan lugeeyo waxyar marki aan ku dhacay wadada wayn ee tagta suuqa  hoose wixii ugu horeeyay ee ay indhahaygu qabanayeen ayaa waxay ahayd dad taagan hareeraha wadada kuwaasi tuugsanaya dadkani nwaxaa ay u badan yihiin dad ajaanib ah gaar ahaan qoomiyada oromada waxayna isugu jiraan lab iyo dhedig  inta badan waa curyaamiin waxayna u badan yihiin dad waaweyn intaa kadib waa maxay dhibta uu keensan karo qof isagiiba dhibaataysan curyaan ah?

Runtii waxaa dhab ah in dadkani ay qabaan dhaawacyo halis ah kuwaasi oo laga yaabo in ay kujiraan dhaawacyo gudbin kara xanuuno waxaa iyadana jirta in dadkani intooda badanay soo ban dhigaan xubnaha qaba dhaawacyada xiitaa haday noqoto xubnaha taranka taasi oo aan ku haboonayn islaamnimada iyo dhaqankeena in qof qarsan waayo cawradiisa dhibta kale ee iyadan ah mid aan la hoilmaami Karin ayaa waxay tahay habka dhaqn doorsoonaanta ay inagu samaynayaan waayo dadkeenu maaha dad dawarsigu u yahay shaqo waxaa kale oo jirta in dadkani ay yihiin dad maalin kasta soo badanaya kuwasi ooay tahay in il gaar ah lagu eego waxaana jirta in badan ka dadkani ay ksoo baxsadaan meelo ay dawlada Ethiopia ay ku karantimiyayso taasi oo loo baaahnay yhay dawlada s/land gaar ahaan waaxda socdaalka iyo wasaarada caafimaadku in ay u dhugyeeshaan dadkan soo qulqulaya ee buux dhaafiyay shaaracyadii magaalada taasi oo ay  ku hoos jirto dhib fara badani gabagabadii waxaan jeclaystay inaan kusoo gunaanado maahmaahda tidhaahdo wax ceebtaada ah ayaa dad caadadooda ah waxaana loo baahan yahay  in dadkani wax laga qabto.

 

 

Cabdilahi jante

Geedbalaadh44@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here