Dowladda Soomaaliya oo loogu baaqay inay ka hortagto askareynta Carruurta

0
1023

zerrouguiNairobi,(HargeisaPress) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha askareynta carruurta iyo colaadaha ayaa ugu baaqday dowladda Somalia inay ka hortagto in askar laga dhigto carruurta yar-yar.

Layla Zerraugui oo ah ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta iyo coladaha ayaa ku boorrisay dowladda in ay hirgeliso labaadii heshiis ee ay saxiixday sannadkii 2012 oo ahaa in laga saaro ciidamada dowladda carruurta.

“Soomaaliya waxa horyaalla caqabado badan, laakiin in carruurta loo qorto ciidan ayaa iyaduna caqabad kale tahay, waxaana ugu baaqayaa dowladda Somalia inay arrintaas ka hortagto,” ayay tiri Zerrougui oo hadalkan kasoo saartay Nairobi, kaddib booqasho saddex maalmood ah oo Soomaaliya ku tagtay.

Zerrougui waxay sheegtay inay ku kalsoon yihiin in dowladda Soomaaliya ay meel-marin doonto heshiisyada ku saabsan in carruurta aan askar ahaan loo isitmcaalin, sidoo kalena ay dalalka kale ee gobolka ku yaalla hirgeliyaan isla arrintaas.

“Qaramada Midoobay waxaa ka go’an inay gacan ka geysato sidii carruurta looga saari lahaa ciidamada, xukuumadda Soomaaliyana waxaan sidoo kale weydiisanaynaa inay fuliso qodobbada heshiiska,” ayay hadalkeeda raacisay.

Sidoo kale, sarkaaladdan waxay sheegtay in dowladda Somalia ay ka heleen ballan-qaadyo ku saabsan inay ku dhaqmayso xuquuqda aadanaha ayna ka hortagayso in carruurta askar ahaan loo qorto.

Layla waxay sheegtay in tiro badan oo carruur ah ay waxyeello kasoo gaartay colaado ka dhacay dalalka Afrika qaarkood, iyaguna ay dadaal xooggan ugu jiraan sidii loo dhameyn lahaa in carruurta loo adeegsado dgaallada hubeysan.

“Arrinta macnaha weyn noo leh waa in maamullada Somalia ka jira oo dhan ay mowqif mideysan ka qaatan sidii loo joojin lahaa carruurta yar-yar ee dagaallada loo adeegsado,” ayay hadalkiisa ku dartay Zerrougui.

Ugu dambeyn, waxay sheegtay in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay in ay sii joogteyso taageerada ay siiso dowladda Somalia iyo weliba carruurta Soomaaliyeed.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here