Dagaal gacan ka hadal ah oo ka dhex dilaacay shirkadaha laydhka u shida degamada ibraahim koodbuur

0
802

Hargeysa, (HargeisaPress) — Shirkadaha laydhka u shida degamada ibraahim koodbuur ee magaalada hargeisa ayaa saaka subaxnimadii ilaaa caawa fiidkii dagaal gacan ka hadal ah ku dhex marayey, qaar ka mid ah xaafaadaha degmada ibraahim koodbuur gaar ahaan xaafada xero awr

Dagaalkan gacan ka hadalka ah ayaa ka dambeeyey loolan adag oo baryaha ka dhex taagtaanaa, shirkadaha laydhka ee degmada ibraahim koodbuur oo haatan midoobay lslamarkaana la baxay ALEEL ELECTRIC COMPANAY  iyo GAAFANE Electric oo dhawaan bilowday inay degmada ibraahim koodbuur u shido laydhka 24 saacadood taasina ay sababtay inay midoobaan shirkadihii hore ugu shidi jiray degmada ibraahim koodbuur ee haatan la baxay aleel electric.

Dadwaynaha degmada ibraahim koodbuur ayaa soo dhaweeyey , shirkadaaha gaafane electric oo keentay laydh qiimihiisu ka jabanyahay qiimihii hore looga qaadi jiray dadwaynaha.

Sidoo kale gaafane electric ayaa dadwaynaha u samayso adeegyo soo jiitay dadka u baahan isticmaalka laydhka ka dib markii sadex bilood ay bilaash uga dhigtay shirkada gaafane cidii gashata laydhka gaafane electric, arintan waxay sababtay inay dadwaynuhu si xawli ah u gashadaan laydhka shirkada gaafane electric,arintan ayaa ka cadho ku abuurtay midowga shiradaha laydhka alee lee hore u shidi jiray degmada ibraahim koodbuur iyadoo saaka subaxnimadiina ay ka bilaabatay xaafada xero awr dagaal gacan ka hadal ah oo ay sababtiisu ahayd in dhallinyaro ka socotay dhinaca shiradaha midoobay ee ALEEL ay hor joogsadaan biraha laydhka  ee gaafane electric oo doonayey inuu u xidho laydhka dad wayne soo dalbaday isticmaalka laydhka gaafane electric. Arintan waxay sababtay dhaawacyo kala duwan soo gaadhaan dadkii ku sugnaa goobtaa

Waxaanay arintani abuurtay qas iyo jahawareer xoog leh oo ilaa caawa fiidkii ka aloosnaa meelo ka mid jidka dhexmara xaafada xero awr

Dadwaynaha degmada Ibrahim koodbuur ayaa walaac ka muujiyey inay arintani sababto dhibaatooyin halis ah isla markaana habeenimada la isku dayo in dhulka la dhigo biraha ay maraan xadhkaha laydhka taasi oo halis iyo khatar ku ah dadka iyo hantida umadda waxaana arintaasi loo xidhay sida la sheegay qaarka ka mid ah dadkii loo nisbaynayey inay ku lug lahaayeen arintan inasktoo aan ilaa hada wax talaabo ah laga qaadi dhinaca dawlada hadana dadwaynaha ayaa jeclaysanaya isticmaalka laydhka qiimihiisu jabanyahay ee gaabafane electric company.

 

 

Cabdicasiis Maydhax  Hargeisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here