Wasiirka Arrimaha dibadd Somaliland Maxamed Biixi Oo Xukumadda U Soo Jeediyay In Qaadka Laga Joojiyo

0
842

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ku baaqay in Dalka laga joojiyo jaadka oo uu ku tilmaamay mid dhaawac kala gedisan gaadhsiiyay bulshadda Somaliland.

WasiirMaxamed Biixi waxa uu sheegay in loo baahan yahay Inay Somaliland sida dalalka adduunka joojiso qaadka oo aan wax dheef ahi ugu jirin dalka, hase yeeshee naafeeyay dhaqaalihii bulshadda. “Waxa qiyaastii maalin walba jaadka innaga baxda lacag badan oo lagu qadaray 400,000  oo Doolar, marka bishii la xisaabiyo waxay noqonsaa dhaqaale xad dhaaf ah oo horumarka wadanka kaalin weyn ka geysan kara,”ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Somaliland.

Wasiir Maxamed Biixi waxa uu u soo jeediyay dawladda in la joojiyo jaadka “Waxaan jeclaan lahaa in jaadka laga joojiyo Somaliland oo aynu kaga dayano dalal badan oo adduunka ah oo halistiisii ka joojiyay wadammadoda,”ayuu ku dooday Maxamed Biixi Yoonis.

Wasiirka oo hadal ka jeediyay munaasibad wasaaraddiisu ku maamuustay qurbejooga dalka ku sugan oo xalay lagu qabtay Hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale qurbejoogta kula dardaarmay inay hammiga iyo horumarka Somaliland qaybtooda ka qaataan.

Wasiirku waxa kale oo uu qurbo-jooga ka dalbaday inay kala shaqeeyaan himiladda xukuumadda ee la xidhiidha qadiyadda aqoonsi raadinta Somaliland.

Wasiir Maxamed Biixi waxa kale oo uu ugu baaqay qurbo-jooga inay kaalointa ugu weyn ka qaataan horumarinta wadanka oo ay barbar istaagaan mashaariic la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha sida wadooyinka.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here