Daawo Muuqaal: Prof. Ahmed Samatar Oo Ka hadlay khilaafka Kulmiye, hankiisa siyaasadda ee Somaliland

0
729

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wareysi Dalmar Media la yeeshay  Prof. Ahmed Samatar oo uu  kaga jawaabayo su’aalo ay ka mid yihiin  khilaafka Kulmiye, hankiisa siyaasadda ee Somaliland iyo hadlkii guddomiyaha Kulmiye ee ku aadanaa Sool.

 

Waa in reer Somaliland iska ilaaliyaan wixii baabi’iyay Soomaaliweyn oo ay caksigeeda mar walba keenaan,”  ayuu Prof Axmed Ismaaciil Samatar ku sheegay waraysi lala yeeshay.

 

Prof-ku wuxuu ku dooday in dhammaan dadka iyo degaannada Somaliland u siman yihiin hogaanka dalka, islamarkaana aanay xaq ahayn in gobolada bariga lagu dooran waayo dadkooda ayaan codayn. Wuxuu sheegay in arrimihii Somalia baabi’iyay haddii ay Somaliland ka hirgalaan Somaliland aanay sii jiri doonin.

 

Wuxuu si adag uga digay qabyaaladda loo lagu lifaaqo Dimuqraaddiyadda, isagoo ku dooday in haddii qabyaaladdu xoogaysato dalka ay halis galin karto, wuxuuna ku booriyay bulshada Somaliland in la naaquso qabyaaladda ama la tirtiro.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here