Midowga Yurub oo Shaqaalahiisa kala baxaya Burundi iyo Rabshadaha ka Socda oo sii Xoogaysatay + SAWIRRO

0
822

Bujumbura, (HargeisaPress) — Midowga Yurub ayaa shaaciyay inay kala baxayaan qaar ka mid ah shaqaalahooda iyo qoysaskooda jooga wadanka Burundi, iyagoo sidoo kale xusay inay ka saarayaan magaalada Bujumbura shaqaalahooda aan joogtada ahayn, kaddib xiisadda dalkaas ka taagan oo kasii daraya. Mucaaradka dalkaas ayaa iyaguna ka dalbaday Qaramada Midoobay inay ciidammo nabad-ilaalineed oo deg-deg ah ay u soo dirto Burundi.

Burundi_kala_baxaya_shaqaalahooda (3)

 

Burundi ayaa waxaa weli ka taagan xiisado colaadeedoo oo ka dhashay muran ku saabsan doorashada mar saddexaad loo doortay xilka madaxnimo ee dalkaas; taasoo ay mucaaradku ay kasoo horjeesteen, iyagoo ku tilmaameen xad-gudub ka dhan ah dastuurka dalkaas.

 

“Waxaanu go’aansanay inaan si KMG ah uga saarno shaqaalaheenna qaarkood iyo qoysas-kooda, waxaan kaloo ka saaraynaa dalkaas shaqaalaha aan sida joogtada ah ugu shaqeyn. Balse guddiyadeenna Burumjura ku sugan si caadi ah ayay u sii shaqeyn doonaan,” ayuu yidhi sarkaal ka tirsan Midowga Yurub oo la hadlayay Wakaalada Wararka ee AFP.

A protester sets up a  barricade during a protest against Burundi President Pierre Nkurunziza and his bid for a third term in Bujumbura, Burundi, in this May 22, 2015 file photo. The European Union mission in Burundi is temporarily making a small reduction in staff and pulling out foreign family members due to the rising risk of violence, the EU envoy said on November 13, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic/Files  TPX IMAGES OF THE DAY

A protester sets up a barricade during a protest against Burundi President Pierre Nkurunziza and his bid for a third term in Bujumbura, Burundi, in this May 22, 2015 file photo. The European Union mission in Burundi is temporarily making a small reduction in staff and pulling out foreign family members due to the rising risk of violence, the EU envoy said on November 13, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic/Files TPX IMAGES OF THE DAY

 

 

Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa intaas ku daray in sababta ay go’aankaan u qaateen ay tahay kaddib markii xiisadaha siyaasadeed ee waddankaas ka taagan ay sare ugu kaceen, lagana baqdin qabo inay sii fogaadaan.

 

“Waxaan dhimaynaa tirada shaqaalaha nooga sugan Burundi, maadaama ay ka sii darayso xaaladda dalkaas ka taagan; waxaana ka saaraynaa shaqaalaha & qoysaskooda,” ayuu AFP u sheegay sarkaal kale oo Midowga Yurub ka tirsan.

 

Saraakiishan Midowga Yurub ka tirsan ayaa sheegay in qorshaha shaqaalahooda ay kaga saarayaan Burundi ay billaaban doonto maalmaha nagu soo socda, inkastoo aysan si dhab ah u sheegin maalmaha ay daad-gureyntu billaabanayso.

burundi_protests_2.0

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Belgium ayaa Jimcaha maanta ah ugu baaqday muwaad-diniinteeda ku sugan dalkaas inay isaga baxaan, haddii aysan jirin howlo muhiim ah oo ay dalkaas ka hayaan.

 

Dhanka kale, Hoggaamiye ka mid ah mucaaradka Burundi ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobay maanta oo Jimco ah in ciidammo nabad-ilaalin ah oo deg-deg ah ay u soo diraan dalkooda, si ay wax uga qabtaan xaaladaha amni ee dalkan ka jira.

 

Sarkaalkaan ayaa sheegay in xaaladda amni ee Burundi ay aad uga sii xumaanayso; isagoo tusaale u soo qaatay inuu ururka Midowga Yurub shaqaalihii Burundi ka joogay la baxayo, walaac xooggana uu soo wajahayo mucaaradka iyo ururrada bulshada rayidka ah.

 

Ugu dambeyn, dalka Burundi ayaa waxaa ka taagnaa tan iyo bishii April  ee lasoo dhaafay, kaddib markii lagu murmay doorashada madaxnimo ee dalkaas oo uu isku soo taagay mar saddexaad madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza, taasoo mucaaradku si aad ah uga hor-yimaadeen, kuna tilmaameen inay jabinayso dastuurka Burundi.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here