Hal-qabsi:- Waxba yaanu xoolo I siin xeerna ii geline,Xaashee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaabe…
Mahadhooyinkii Gabyaa M. N. Fadal (AHUN).Mr. Yuusuf Garaad Cumar ayaa ah shaqsi ka baxey sifihii dhex-dhexaadnimo ee xirfadlaha sunaha u ahaa ka dib markii ay madax martey cadaawada uu u qabo JAMHUURIYADDA SOMALILAND tan iyo intii uu saaxada xirfadlayaasha soomaalida ku soo biirey. Cadaawadatan ayaa gebi ahaanba ilowsiisey in uu ku dhaqmo akhlaaqda xirfadlaha ku waajibka ah.
Yaab weeyi, mana garan karno ujeedada dhabta ah ee ku kaliftey balse waxaa kuu muuqanaya dhaqamada cadaawada huwan ee uu qabatimey iyo ficiladiisa aan joogsiga laheyn sida ay CADAAWADIISA KA DHANKA AH JAMHUURIYADDA SOMALILAND UGU FOG TAHEY. Bal aynu eegno oo waxooga dib u jaleecno ficiladaasi kuwii ugu cuslaa inta aynu xasuusano:-
- Yuusuf Garaad isaga oo ka mid ah howlwadeenada Idaacada BBCda waxaa uu isku mashquuliyey in uu dabo-gal cadaawadeysan ku sameeyo xidhiidhka dowliga ah ee u dhexeeya labada wadan ee Itoobiya iyo Somaliland. Iyada oo ay u qudh-qudhsami weydey midho-dhalka heshiiskaasi. Muddo dheer ka dib waxaa u suurtogashey in uu wareysi kula yeesho xafiiskiisa Raysal Wasaare Mele Zenawi wakhti ka hor geeridiisa. Kaasi oo soo afjarey geedigii Yuusuf Garaad ku raad guraayey arrintaasi waxaanu yidhi “ Haa, Somaliland heshiis ayaanu la galney waayo, waxaa ka jirta dowlad sharci ah”.
- Xilli kale waxaa uu Yuusuf Garaad wareysi la yeeshey Md. Faarax Macalin oo ahaa guddoomiye xigeenka baarlamaanka Kiiniya oo si weyn u taageerey qadiyada Somaliland isaga oo ugu jawaabey “maxaan u taageeri waayey iyaga ayaaba wax qabsadey…..sow ma aha in aan qiimeeyo horumarka ay sameysteen oo soomalida kale ay tahey in ay kaga deydaan”.
- Yuusuf Garaad waxaa uu been abuur qaawan ka sameeyey qadiyad aan jirin oo aan reer Somaliland sinaba aaney u sameyn karin xataa haddiiba miyirku ka tago muddo maalmo ah ka dib dhagartii qaraxyada caasimada Hargeysa ee dabo-yaaqadii 2008dii. Isaga oo ciwaan weyn uga dhigey warkii goor duhurnimo ee idaacada BBCda waa maalin aan sidaa uga fogeyn xilligii qaraxyada isaga oo ahaa tifatiraha guud ee ugu sareeya howl-wadeenada Soomaalida idaacatadan. Waxaa uu yidhi “Hargeysa oo qofkii af reer Xmar ku hadla la caydhsanayo lana xidhayo”.
- Yuusuf Garaad waxaa uu ka mid ahaa labaataneeyo soomaali mutacalimiin ah oo muddo isku xidhnaa kuwaasi oo si joogto ugu howlanaa cadaawada Somaliland. Iyaga oo meelo kala duwan dunida kaga noolaa. In kasta oo ay hadda talaxgabeen ninkii sheekha ugu ahaana geeriyoodey waxaa ka mid ahaa ficiladooda markii mid ka mid ah ka dhex kacey qeylona afka kala waaxey guriga baarlamaanka UK oo uu ku sugnaa wakhtigan Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin waa Prof. Cabdi Ismaaciil Samater eh. Arrintani oo qaban qaabadeeda iyo fulinteeda uu gacan weyn ku lahaa Mr. Yuusuf Garaad.
- Imika iyo haatan arrintu waa ALAMTARANA SOO DHAAF “ Somaliland jawaab ayaa ku waajibtay”. Waa maqaal uu Yuusuf Garaad ka qorey arrinta farsamo-xumo ee qaxootiga Yemen iyo go’aan aan rasmi aheyn oo Wasiir JSL ka mid ah sheegey in aan la qaabileyn. Bal aynu dhugano nuxurka maqaalka oo muujinaya in xanuunka Yuusuf Garaad ka weyn yahey waxa uu qiishanayo ee arrinta qaxootiga:-
- “Taariikhdu waa ay qormeysaa ummadda soomaaliyeedna waa xidid iyo xigaalo. Ma aha midabada iyo nashqadaha calaamada ujeedo badanka ah ee la sameystey in lagu dawakho” Waxaa uu Yuusuf ujeedaa sida weyn ee reer Somaliland ugu dabaal-degaan 18ka May iyo muunada calanka Qaranka Jamhuuriyada Somaliland oo lagu sharxo farxada awgeed siyaabo kala duwan. Waxaa kale oo u raaca taalada daljirka dahsoon ee badhtamaha Hargeysa oo diyaaradii duqeynta Hargeysa la saarey waana mid uu aad uga xumaado arageeda isaga oo aaney damqasho ka aheyn balse ka tahey in aan raad-raac lagu sameyn dhibaatooyinkii ummada loo geystey.
- “Xataa haddiiba Somaliland u rumoobo hammigeeda, oo ay noqoto dal la aqoonsan yahey waxaan qabaa in hooyooyin iyo carruur soomaaliyeed oo ka qaxaya dagaal dal shisheeye ay xaq caalami ahi ku tahey xeer soomaaliyeedna khasab ku tahey Somaliland in ay soo dhoweyso”. Waxaa Yuusuf Garaad ujeedaa in macnaha rasmiga ee gooni-isu-taaga Jamhuuriyadda Somaliland yahey naceyb reer Somaliland u qabaan soomalida kale?
- “Sannadii 1994 ayaan Djibouti tagey waxaan ku calaacaley in uu iigu dhufto bogii hore waayo ma lihi dowlada baasaaboor I siisa…inankii waxaa uu iigu jawaabey aniga ayaa ku siin ee ii kaaley”. Yuusuf Garaad waxaa hadalkani uu ku tirsiyey reer Somaliland oo uu uga dhigayo Soomaalida kale in aan wax naxariis iyo gar-gaar ahi aanu u oolin Somaliland.
Haddaba, waa Ayo dadka iyo dalka Reer Somaliland oo uu Soomalida kale maanta barayaa Mr. Yuusuf Garaad Cumar iyo inta ay saaxiibka ku yihiin cadaawada Somaliland:
Murti hore:
“ Nin Galadey Aar Waa Oyahey iyo Nnkii Ganey”
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalkii taakuleeyey Soomaalida Itoobiya sannadkii 1954kii Markii uu Ingiriisku ku wareejiyey dhulweynihii Reserve Area iyo Howd wakhtigaasi oo qaxooti ahaan ay ku yimaadeen Somaliland gaar ahaan deegaanada magaalooyinka. Waxaa la sameeyey abaabul weyn oo lagu taakuleeyey dhinac walba; hoy, cunto, iyo hu’ intaba iyada oo aan loo kala hadhin kaalmeynta dadkaasi soo barakacey.
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalkii gartey ee go’aansadey in shuruud la’aan lagu midoobo si loo helo Somali weyn mideysa QOWMIYADA SOOMAALIDA 1960.
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalkii gartey ee go’aansadey dib-ula-soo noqoshada xoriyadooda May 1991kii ka dib markii ay labadi jabhadood ee kale ka baxeen wacadkii ALMIS 1990 kaasi oo dhigaayey in aan jabhad keli ahi ku dhawaaqin dowlad ka hor intaa laga wada tashan balse ay si qaawan u jebiyeen USC oo uu hogaaminayey Gen. Caydiid oo ay heyb wadaagaan Mr. Yuusf Gaarad.
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalkii gartey in la badbaadiyo in aan dhiig dambe ku daadan isku dhicii dhexmarey Gen. Cade Muuse iyo C/llaahi Yuusuf oo is dilay kuna dhameeyey arrintii nabadeyn iyo heshiis dhexmara labada dhinac iyada oo siyaasiyan labaduba si weyn uga soo horjeeday qadiyada JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalka ay mar walba ka bilaanbanto kaalmeynta soomaalida kale bal aynu xasuusano gar-gaarkii abaaraha ee sannadi 2011kii oo deeq lacageed weyn la gaadhsiiyey xataa kuwii ku jirey xaryahay qaxootiga Kiiniya iyada oo gar-gaarkaasi looga baahnaa Somaliland gudaheeda.
- Reer Somaliland waa dadkii iyo dalka gartey in la badabaadiyo diyaaradii ay reer Puntaland khasabka ku soo direen ka dib markii intii heytooda aheyd kala degeen. Markaasi oo madaxada Somaliland si deg-deg ah u soo fadhiisiyeen una ogalaadeen in diyaaradaasi degto isla markaana shidaal ka hesho Somaliland.
- Reer Somaliland waa mid ay ku can yihiin mar walba u doodida iyo difaaca qadiyada Soomaalida wax kasta oo dhex yaal ama u dhexeeya Somalida ha jiraan eh. Bal aynu xasuusano hadalkii hogaamiye Max’ed Ibraahim Cigaal (AHUN) “Anigu waxaan qabaa in la dagaalanka argagixisada horta Soomaali lagu dayo marka aynu qaban kari weyno anigu ma qabo eh dunida xaq ayey u leedahey in ay sameyso wixii ka geyn weydo”. Waa madho uu Madaxweyne Cigaal taariikhda ku xardhey ka dib 11 Sept. 2001kii iyo isbedel ku yimid saaxada caalamka dhinac amni, siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid diblamaasiyadeed intaba isaga oo saameyntiisa taban ku lahaa soomalida.
Bal aynu waxoogaa tibaax ka bixino shaqsiyada Yuusuf Gaarad:-
- Waa shaqsi cunfi leh ah oo si aan xad leheyn uu uga muuqdo mana laha kala xadeyn cunfigaasi.
- Waa shaqsi xaqira, neceb, isla markaansa jecel in wax kasta oo dhibaato ah laga soo sheego Somaliland isaga oo jecel in uu noqdo qofka koowaad ee wartabiya ka noqda baahinta dhibaatadaasi.
- Waa shaqsi qabiili ah waxaana cadeynaya arrimahakan:-
- Maqaalkii uu ka qorey dagaalka dhagareysan ee Sh. Hoose oo heybta hoose ee uu ka soo jeedaa gadhwadeen ka tahey-waa dhulbalaadhsi dhagar huwan oo lagu fulinayo oo loo geysanayo soomaali la tun jileycsadey maanta “Dagaalka Sh. Hoose wuu dhamaan”. Cajiib, sida farshaxanka leh ee uu u qurxiyey difaaca dhagarta Tolkii ku hayo soomaali la fogeynayo iyo sida uu buunbuuniyey midkani Somaliland uu ka qorey ee arrinta qaxootiga!
- Bal aynu dib-u-jaleecno xilligii dowladii Carta oo adeerkiis C/qaasim Salaad ka ahaa hogaamiye. Yuusuf Garaad maalina kama nasan xayeysiiska, buunbuuninta, u ololeynta, iyo qardo jeexa dowladaasi isaga oo cida ugu weyn ee uu fardo fuul uga dhigtey ay aheyd dagaal diblamaasiyadeed oo uu la galey JAMHUURIYADDA SOMALILAND.
- Waa shaqsi shisheeye kal-kaal ah isaga oo marka uu cid maagayo soo gabaadsada shisheeyaha ku maqan Soomaalidaasi uu maagayo.
Maxaynu ku soo koobi karnaa Yuusuf Garaad iyo sida uu uga muunad baxey sifihii xirfadlanimo:-
- Waa oohinta yaxaaska balse wax kale kama aha.
- Ma jecla cid kale oo soomaali libin keenta ama lagu sheego oo aan aheyn reerkiisa oo hogaamiyaashoodu hadba magac cusub la baxaan.
- Waa hasha Geela Cunta misna cabaada.
Gebo-gabo, maxaa la gudboon reer Somaliland?
Waxaa manta reer Somaliland la gudboon in aan la sahashan cadaawada Yuusuf Garaad iyo inta naxliga la midka ah qabta ee saaxiibadiis ka mid yihiin kuwaasi oo ka qandhooda wanaaga Somaliland kuna caafimaada xumaanteeda. Sidaa darted, waa in aynu habeen iyo maalin gaadh ka heyno dhaqdhaqaaqooda, arrimahooda, iyo si kasta oo ay mashquul ugu yihiin iayada oo aynu leenahey khibrad, aqoon, xidhiidho, iyo siyaabo badan oo ay suurtogal kuna ogaan karno jariimadooda. Waa in aaney dhicin fudeydisi lana nimaadno wax ka qabasho dhab ah.
Gunaad, sowtii Hogaamiye Cigaal sida weyn inoogu sheegey Yuusuf Garaad markii uu xadhiga ka jarayey mowjada BBC FM ee Hargeysa “Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya waxaa aduunayada iyo inaguba aynu u naqaan Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya balse inan yar oo Yuusuf Garaad la yidhaa ma aqaan ee meelahan ayaa lagu sheegayey waxaa uu yeedhaa Ogaadeeniya”
Waa mahadho kale oo taariikhda gashey oo musawir dhab ka ka bixineysa shaqsiyada Yuusuf Gaaraad iyo cadaawada uu inoo hayo. Aynu meel uga soo wada jeesano kuwa ina neceb oo cadaawada ay inoo hayaana ku FOGAATEY.
Aan ku soo afmeero qoraalkeyga, MAXAA CEEBTA MOOSKAAGA TAAL MAGAN EH KUU GEEYEY MR. YUUSUF GARAADOW……….. Si kale haddiiba aan u tiraabo FALAADHI GIL-GILASHO KAAGAMA GO’DO?
Allaa mahad leh,
Qalinkii: Mustafe Suleymaan Cilmi,
Hargeisa, Somaliland
Tel: 00 252 (0)634137470
Email: mustafe72@gmail.com