Yoweri Museveni oo Eryay Ra’iisul Wasaarihii Uganda mid kalena Magacaabay

0
978

KAMPALA, Uganda (HargeisaPress) — Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa Jimcaha maanta ah shaqadii ka eryay ra’iisul wasaarihiisii oo la sheegay inuu ahaa nin ay aad isugu dhawaayeen, wuxuuna isla maanta u magacabay xilkan ra’iisul wasaare cusub.

War kooban oo kasoo baxay xafiiska Museveni oo 28-sano madaxweyne ka ahaa dalkaas ayaa lagu sheegay in shaqadii laga eryay, Amama Mbabazi, inkstoo aan lagu sheegin qoraalka sababaha xilka looga qaaday. Iyadoo lagu sheegya in isla qoraalka in xilka ra’iisul wasaaraha Uganda loo magacaabay wasiirkii hore ee caafimaadka, Ruhakana Rugunda.

Afhayeenka xukuumadda Uganda ayaa isaguna ka gaabsaday inuu ka bixiyo faahfaahin dheeraad ah sababaha xilka looga eryay, Mbabazi, iyadoo uu weli hayo jagada xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee xisbiga difaaca Qaranka Uganda. Balse Mbabazi ayaa ahaa nin aad ugu dhow Museveni oo loo maleynayay inuu xilka kala wareegi doono.

Madaxweynah Uganda oo hadda ah 70-jir ayaa horay ugu eedeeyay Mbabazi inuu ku kacay falal sharciga ka baxsan, sida inuu taageero weydiistay dalal shisheeye ah, balse waxaa eedeymahaas beeniyay ra’iisul waasaraha xilka laga qaaday ee Mbabazi.

Ra’iisul wasaaraha la eryay ayaa dhawaan saxiixay sharci uu xisbiga talada dalkaas haya uu soo saaray, kaasoo ahaa in madaxweynaha dalkaas uu uga qaybgalayo xisbiga doorashada madaxnimo ee Uganda sannadka 2016-ka, iyadoo xil ka qaadistiisa ay fajiso ku noqotay shacabka Uganda oo dhan.

“Muran soo dhexgalay Museveni iyo Mbabazi ayaa sababay xil ka qaadista lagu sameeyay ra’iisul wasaarihii hore,” ayuu yiri Charles Rwomushana oo ka faallooda arrimaha siyaasadda dalka Uganda, isagoo intaas ku daray. “Kaddib markii uu gacantiisa isku gowracay Mbabazi ayuu Museveni wuxuu go’aan ku gaaray inuu si taxadar leh uga hortago in xisbigoodu laba garab u kala jabo.”

Museveni ayaa hoggaamiyaha mucaaradka Uganda, Kizza Besigye horay ugu eedeeyay inuu abaabulay mudaaharaadyo amniga qalqal lagu gelinayo, taas oo keentay in Besigye dhowr jeer la xiro, la garaaco sidoo kalena la toogto.

Siyaasiyiinta Uganda ayaa rumeysan in Museveni uu xilka madaxweynenimo ee dalkaas u diyaarinayo wiilkiisa 40-jirka ah Muhoozi Kainerugaba, kaasoo hadda madax ka ah ilaalada gaark ah ee aabbihii, hantida Qaranka Uganda iyo weliba ceelasha shidaalka ee ku yaalla xuduudda uu dalkaas la wadaago dalka ay jaarka yihiin.

Kainerugaba ayaan weli ku fikirin inuu la tartamo aabihii oo uu ka guuleysto, balse taageerayaashiisa ayaa lag soo xigtay inuu sidaas sameyn karo uuna u ogol yahay dastuurka dalkaas, sida muwaadiniinta kale ee Uganda.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here