Shacabka Scotland oo diiday inay ka go’aan Dalweynaha Britain

0
1028

Scotland-independenceEDINBURGH, Scotland — Dadweynaha reer Scotland, ayaa ku adkaystay intooda badani inay ka sii mid ahaadaan oo aanay ka go’in waddanka Britain, ka dib markii Khamiistii shalay cod-bixin illaa xalay 12-kii habeennimo ee Saacadda Afrikada Bari ka socotay gobollada iyo degmooyinka Scotland.
Scotland ayaa qeyb ka sii ahaan doonto Britain ka dib markii ay cod-bixiyayaashu u codeeyeen in aanay go’in, iyada oo loo codaynayey Su’aalaha kala ah Yes Scotland iyo No Scotland oo kala ah inay gooni uga istaagto Britain oo ay in ka badan Saddex boqol oo Sano midaysnaayeen oo Yes ahayd iyo No oo ahayd inay UK ka sii mid ahaato.
Natiijada kama dambaysta ayaa muujinaysa in dadka diiddan in Scotland ka go’do Britain ay heleen boqolkiiba 55. Dadka taageersan madaxbanaanida Scotland ayaa helay boqolkiiba 45.
Wasiirka koobaad ee Scotland, Alex Salmond, oo u ololeynayay in Scotland ay go’da ayaa sheegay inuu oggolaaday in laga guulaystay.
Ra’iisalwasaaraha Britain ayaa sheegay inuu ku furaxsan yahay natiijada, isla markaana uu soo dhaweaynayo, isagoo horena ugu baaqay inaanay go’in Scotland ee ay ka sii mid ahaato Britain, maaddaama oo ay yihiin dad wax badani ka dhexeeyaan oo saddex boqol oo sano in ka badan ay hal waddan oo midaysan isku ahaayeen.
Dadka Reer Scotland oo tiradoodu shan Milyan oo ruux cagacagaynayso, ayaa Boqolkiiba toban ka noqnaya dadweynaha reer Britain, waxaanu Wasiirka koowaad ee Scotland oo hoggaaminayey ololaha gooni-u-gooska lagu doonayo, ayaa sheegay codaynta aftida haa iyo mayada ee la qaaday inay tahay mid guul ku dhammaatay, isla markaana muujinaysa isku-dhawaansheheedu heerka go’itaanka Scotland ee Mustaqbalka dhaw sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here