Yeelo Horumar Shakhsiyadeed oo Miyir Qab leh (Achieve Mindful Personal Growth)

0
589

Hargeisa– Aadamuhu waa halgan iyo hawl u joog, mihiimadduna waa in talaabadda aad qaadaysaa noqoto mid adduunyadaada iyo aakhiradaaba wax ku kordhinaysa.

Haddaba asbaabaha la isku waafaqsan yahay in ay qayb weyn ka qaataan horumarka ayaa ah hawl qabad miyir qab iyo deganaan lagu ladhay.

Geedi socodka aad ku jirtaa waa in uu noqdaa mid aad si ula kac ah isu kobcinayso, adiga oo diiradda saaraya korriin joogto ah, fahamka naftaada, iyo dhisidda nolol macno leh oo aakhiradaada iyo adduunyadaadaba anfacaysa.

Halkii aad si aan kala sooc lahayn u raaci lahayd guul raadinta waa in aad horumarkaaga u wado si miyir leh, oo la jaanqaadaya qiyamkaaga, yoolalkaaga, iyo fayoqabkaaga.

Haddaba wWaxa aynu xusi doonaa dhawr qodob oo loo baahan yahay si geedigaagu ugu socdo mid leh miyir qab.

1. Is-Ogaansho iyo is qiimeyn ( Self-Awareness and Reflection)

Is-ogaanshuhu waa xuddunta horumarinka shakhsiyadeed ee miyir qabka leh.

Waa inaad si qoto dheer u fahamtaa naftaada, dabeecadahaaga, iyo meelaha aad u baahan tahay in aad horumariso, mar kasta oo aad og tahay meesha aad u liidato waa mar kasta oo aad u sii dhawaanayso horumaro.

Noloshu kama maaranto isku dheelitir waxaana mihiim ah, cibaado in aad lahaatid, Samaynta jimcsi maalinle ah, Qorista fikradahaaga, waayo-aragnimadaada oo aad weelayso, in aad dabaqdid waxyaabaha aad ka baratay maalin kasta iyo wakhti kasta.

Ka fiirso go’aanadaada , kobci tababaraddaada, Faham u yeelo awoodahaaga iyo meelaha aad u baahan tahay inaad ka shaqeyso, taasi waxa ay kaa caawin doontaa inaad qaado tallaabooyin sax ah.

2. Dejinta Yoolal Ujeedo Leh ( Intentional Goal-Setting)

Marka aad dajisanayso yoolal waxa ku soo maraya dareeno kala duwan balse haddii aad si miyir leh u dejiso waxa kuu sahlanaanaya inaad si cad u fahamto halka aad u socoto, adigoo iska ilaalinaya jahawareer.

Sidaas darteed Samee yoolal SMART ah , Waa inaad dejiso yoolal si sax ah loo qeexay (leh jeedo Gaar ah, La cabbiri karo, La gaari karo, La jaanqaadi kara wakhtiga oo Xilli go’an leh).

U qaybi yoolalkaaga kuwo waaweyn iyo kuwo yaryar , Mararka qaar yoolalka waaweyn waxay u muuqdaan kuwo adag, laakiin markaad u kala qaybiso talaabooyin yaryar, way fududaanaysaa hirgalintooda.

Mar walba hubi in yoolalkaagu la jaanqaadaan qiyamkaaga, ha raacin yoolal aan macno samaynayn ama aan qiyamkaaga la jaanqaadayn taas beddelkeeda, u jihayso meesha aad dareemayso qanacsanaantaada rasmiga.

3. Barasho Joogto ah iyo La-Qabsasho ( Continuous Learning & Adaptability)

Waa lagama maarmaan in aad si joogto ah u barato wax cusub si aad u horumariso xirfadahaaga iyo maskaxdaada.

Akhriska oo aad la saaxiibto is naftaada bar, baro xirfado kala duwan, ku dadaal in aad u dhug yeelato fikradaha cusub kuwaas oo dhammi waxa ay kordhinayaan fahamkaaga iyo fursadaha aad heli karto.

Waxbarashadda ku dhex jir oo qaado koorsooyin iyo tababaro, la xidhiidha Teknolojiyadda iyo xirfadaha shaqada waayo waa kuwo isbeddelaya si joogto ah una baahan mar walba in aad la jaanqaadid.

4. Dheellitirnaanta Shaqo iyo Nolosha (
4. Work-Life Balance and Well-Being )

Haddii aad rabto in aad si joogto ah u horumarto, waa inaad ilaaliso isku dheelitirnaanta shaqada iyo noloshaada shakhsiyeedeed.

Waxa haboon in aad xad u yeesho shaqadaad oo aad maarayso in noloshaada oo dhan aanay shaqadu la wareegin oo aad leedahay waqtigaaga gaarka ah.

Daryeel naftaada ku dadaal Hurdo wanaagsan, cunto caafimaad leh, jimicsi joogto iyo cibaado dhab ah waxa y kobcinayaan awooddaada maskaxeed iyo jidh ahaaneed.

5. Dhisida Xidhiidhi Macno Leh ( Building Meaningful Relationships)

Dadka xidhiidhadu idinka dhexeeyaan waxa ay door weyn ka ciyaaraan horumarkaaga shakhsiyadeed iyo midkaaga xirfadeed.

Isku xeer dad dhiirrigelin leh, Dadka aad la joogto waxa ay saamayn ku leeyihiin fakarkaaga iyo horumarkaaga sidaas darteed waa in aad xulato dad wax kugu kordhin kara kuna sixi karaya wakhtiga aad leexato.

6. Qaadista Talaabooyin iyo Joogtaynta Dadaalka ( Taking Action & Staying Consistent)

Guushu waa natiijada dadaal joogto ah iyo adkaysi.

Mar walba qaad tallaabo maalinle ah, xitaa haddii ay yaryihiin talaabooyinkaagu waa in ay noqdaan kuwo joogto ah.

Duruufuhu way badan yihiin balse nooqo qof adkaysi leh, oo garanaya in ay Caqabuhu yihiin qeyb ka mid ah horumarka.
Mihiimadu waa in aad ku adkayso dadaalkaaga oo aanad quusan.

Gunaanadkii Mar kasta ogsoonow oo xusuusnoow in Horumarinta shakhsiyadeed ee miyirka leh ay kaa caawinayso safarka joogtada ee aad ku jirto .

kobcinta naftaada, xirfadahaaga, iyo xidhiidhadaada oo dhan si aad u gaadho nolol macno leh Waxa muhiim ah inaad si miyir leh u doorato dariiqaaga gaarka ah oo aad diiradda saarto kobacaaga oo kuna dadaashid in uu noqdo mid la jaanqaadaya waaqiciga noloshaada oo aad sugnaashaha ku dadaasho.

Waxa qoray: Guddoomiyaha Hay’adda Maamul Wanaaga Somaliland Liibaan Ismaaciil Buraale

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here