Hargeysa,(HargeisaPress)โ Shirkada Raven law firm oo ah shirkad bixisa adeegyada sharci, ayaa habeenkii xalay lagu daahfuray magaalada Hargeisa.
Munasibadda daahfurka shirkadda ayaa waxa ka soo qayb galay Siyaasiyiin, Garyaqaano iyo Ganacsato kala duwan. Waxa ay dhammaantood bogaadiyeen dhalinyarada shirkadda asaastay iyo halabuurka casriga ah ee ay la yimadeen.
Sido kale munaasibada Waxa warbixin kooban ka jeediyey Gudoomiyaha ama aasaasayaasha Raven law firm Garyaqaan Mohamed Hassan Jicsin oo sheegay in shirkaddu ay bixin doonto adeegyo sharci oo dalka dibadiisa ah, sidoo kale ay diyaariyeen khuburo caalami ah oo dadka reer Somaliland ku matali doona maxkamadaha dalka dibadiisa ah.
DAAWO SAWIRADA XAFLADA