Wasiirka Dastuurka Oo G.Wakiiladda Ku Booriyay In Ay Ansixiyaan Xeerarka Muhiimka ah

0
933

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ee Somaliland ayaa ugu baaqay golaha Wakiiladda ee cusub in ay ansixiyaan heerar muhiima oo hor yaalla.

Xeerarkaasi ayuu wasiirku sheegay in ay ka mid yihiin kuwo muhiim u ah horumarka iyo dawladnimadda Somaliland.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad qado sharaf ahayd oo uu xildhibaanadda golaha Wakiiladda ee Kulmiye iyo isbaahaysiga taabacsan u sameeyay C/casiis Samaale, oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.

Wasiirka dastuurku waxa uu sheegay in golaha Wakiiladda iyo wasaaradda xidhiidhka goleyaasha qaranka ay ka dhexayso wadao shaqayn.

Sidaas darteedna uu ka rejaynayo golaha cusub in ay ansixin doonaan xeerar qabyo ah iyo kuwo ay tegeen golihii hore ee Wakiiladu.

Geesta kale Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu ka hadlay doorashadii dhawaan ee shir-guddoonka golaha Wakiiladda, taasoo uu tilmaamay in ay u dhacday hanaan dimoqraadi ah.

Guusha arrintaasi ayaa u nisbeeyay wasiirku madaxweyne Biixi iyo xukuumadiisa oo uu ku sababeeyay in wixii guul  ah ama guul darro ah ee yimaada in ay leedahay hadba xukuumadda tallada dalka haysa.

 

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Arrimahaasi ka hadlaya:

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here