Xukuummadda Somaliland oo Caddaysay Sababta Ay Xayiraada Ugu Soo Rogtay Telefishanka Universal

0
1589

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in Telefishanka Universal uu ku xadgudbay Tebinta Xuska qaran ee 26 ka June taasina ay keentay in laga xayiro Somaliland.

Wasiirka Warfaafinta oo u waramayay Wakaaladda Wararka Somaliland ee Solna ayaa Sheegay in Telefishanka Universal uu ka soo horjeestay inuu baahiyo Khudbadii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu ka Jeediyey Munaasibadii qaran ee 26 June oo ahayd munaasibad distoori ah, Wasiirku waxa uu xusay in maamulka Telefishanka Universal ay ka dalbadeen inay baahiyaan Xuska qaran ee 26 June isla markaana ay si cad u diideen taas awgeedna ay go’aamiyeen in laga xayiro Somaliland, Waxa uu Wasiirku intaas ku daray in Telefishanka Universal uu hore u galay denbiyo kale kuwaas oo digniino iyo wada hadal lagu dhameeyay.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore Waxaa kale oo uu sheegay in Xukuumadu og tahay in Telefishanada madaxa bannaani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay balse ay Waajib ku tahay inay baahiyaan wararka iyo dhacdooyinka maalmaha qaran ee dalka u yaala.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelintu Waxa u sheegay In Telefishanka Star ay ku soo rogeen xayiraad Kadib markii uu galay Khalad Waxaanu wasiirku uga digay Warbaahinta kale inay ka Feejignaadaan inay ku xadgudbaan shuruucda dalka u degsan.

Wasiirka warfaafintu Wuxuu Mahadnaq u diray Guud ahaan Telefishanadii sida Tooska ah u gudbiyey Munaasibadii Qaran ee 26 June iyagoo u hogaansamaya Shuruucda dalka iyo Xeerka saxaafadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here