Xukuumadda Somaliland oo war kasoo-saartay Cashuurta GST-ga ee ay soo rogtay

0
1310

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, ayaa waxaa ay maanta war ka soo saartay Cashuurta GST-ga ee ay ku soo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta, isla-markaana dhawaan la dhaqan gelin doono.

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartey, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar been abuur ah oo sheegaya in cashuurta GST-ga ee ay ku soo rogtay shirkadaha isgaadhsiinta ay ku dhacayso lacagaha macaamiisha ee moobillada ugu jira.

Wasaaradda Maaliyadda oo ka jawaabaysa su’aalaha ay bulshadu qabto, ayaa sheegtay in cashuurta isgaadhsiinta ee (GST) ay ku dhacayso keliya adeegyada ay shirkaduhu bixiyaan, sida lacagta ku hadalka ee mobile-ka, internet-ka mobile-ka (Mobile Data), internet-ka xafiisyada/guryaha, iyo adeegyada kale ee isgaadhsiinta ee shirkaduhu bixiyaan.

Cashuurtan oo ay waajibisay xukuumadda cusub ee Madaxweyne  Cirro, isla-markaana aan hore loo qaadi jirin ayaa cabsi gelisay bulshada, kadib markii ay suuqa soo galeen warar sheegaya in cashuurtaasi ay ku waajibayso lacagaha danabaysan ee telefoonada layskugu diro sida Zaad iyo eDahab.

Wasaaradda Maaliyadda, ayaa waxay sheegtay in cashuurtan looga golleeyahay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista dakhliga si loo horumariyo adeegyada ay xukuumaddu bixiso, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed oo wax ka taraya kobaca dhaqaalaha.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

“Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL iyada oo fulinaysa Go’aankii Guddida Golaha Wasiiradda JSL ee loo xil-saaray dhaqan-gelinta cashuurta adeegyada (GST) ee soo baxday 26.02.2025, waxa aan halkan ku caddaynaynaa in hawshaasi u socoto si habsami leh, isla markaana  shirkadaha Korontadu ay dhaqan-geliyeen cashuurtaasi, fuliyeena isku-xidhka API-ga ee nidaamka Iibka shirkadaha iyo nidaamka GST-ga ee Wasaaradda Maaliyadda.

Sidoo kale Shirkadaha Isgaadhsiinta waxa aanu mabda’ahaan isla qaadanay dhaqan-gelinta cashuurtan, iyada oo gacanta lagu hayo farsamo ahaan dhammaystirkeeda.

Hase yeeshee waxaa soo baxay fariimo been abuur ah oo lagu baahiyey baraha-bulshada kuwaas oo lagu jaho-wareerinayo bulshada laguna sheegay in cashuurta GST ee la dhaqan-geliyay ay ku dhacayso lacagaha la is kugu diro taleefanka gacanta ee Zaad iyo eDahab, taasi oo aanay waxba ka jirin haba yaraatee.

Bulsho weynta ku dhaqan Jamhuuriyadda Somaliland waxaan halkan ugu cadaynaynaa in Cashuurta GST-gu ay la xidhiidho Iibsiga Adeegyada iyo Badeecadaha, adeegyada Isgaadhsiinta ee cashuurtaasi ay ku dhici doontaana ay yihiinkuwan hoos ku xusan:-

  • Ku shubashada Lacagta ku hadalka ee Mobile-ka (Airtime).
  • Internet-ka Mobile-ka (Mobile Data).
  • Internet-ka Xafiisyada/Guryaha.
  • Adeegyada kale ee Isgaadhsiinta ee Shirkadduhu bixiyaan.

Ugu danbeyntii waxaanu halkan ku iftiimaynaynaa  in Xukuumadda JSL ay  dedaal ugu jirto sidii loo kobcin lahaa Dhaqaalaha dalka, korna loogu qaadi lahaa Dakhliga Dawladda, si loo horumariyo adeegyada Dawladda, loona hirgeliyo mashaariicda horumarineed ee wax ka taraya dhaqaalaha Wadanka.”

 

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here