Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa waxaa uu caawa kulan la qaatay Madaxweynayaashii 3-aad iyo 5-aad ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Daahir Riyaale Kaahin.
Kulankan Madaxweyne Cirro la qaatay Madaxweynayaashii 3-aad iyo 5-aad ee Somaliland oo ahaa kulan Afur ah, ayaa ka dhacay hoyga Madaxweynaha.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro, ayaa labada Madaxweyne ee hore uga horrayn uga xaal waramey xaalada guud ee dalka.
Kulankan, ayaa waxaa uu dabo socday kulamo hore oo uu Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) la yeeshay Madaxweynayaashii hore ee Somaliland si ayย xogo-gaal ugu noqdaan iskana xaal wareystaan xaalada guud ee Jamhuuriyadda Somaliland.
Si kastaba, Madaxweynayaashii hore ee soo maray Somaliland, ayaa sidan oo kale kulamo la tashi ah la samayn jiray madaxdii xilka ka soo qabatey dalka.