Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo shaaciyay inuu u taagan yahay Doorashada Golaha Wakiilada 2026-ka

0
1149

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimihii hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa uu shaaciyay inuu u taagan yahay Doorashada Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiillada ee 2026-ka.

Musharax Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo mudo badan ka soo shaqeeyay xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye, ayaa soo noqday Agaasimihii hore Madaarka Hargeysa iyo Wasaaradaha Biyaha, Macdanta iyo Tamarta, iyo Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha Somaliland.

Agaasime hore Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa uu go’ansaday inuu isku soo taago tartanka Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland oo dhici doonta 2026-ka.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo ah siyaasi degan oo waxqabadkiisu wasaarado badan ka muuqadan, ayaa aad loo soo dhaweeyay inuu ka qayb galo doorashada golaha Wakiillada Somaliland.

Musharax Maxamed Yuusuf, ayaa waxaa uu ka mid ahaa masuuliyiintii ugu saameynta badnaa ee ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee dalka ka talin jirtay ee uu gadhwadeenka ka ahaa Madaxweyne Muuse Biixi.

Si kastaba, Agaasime hore Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa waxaa xusid mudan inuu Golaha Wakiillada Somaliland ku biirin doono aqoon iyo waayo aragnimo.

HargeisaPress News Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here