Xukuumadda Somaliland oo War Ka Soo Saartay Dagaalkii Ka Dhacay Laascaanood

0
1963

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland, ayaa ka hadashay dagaalkii magaalada Laascaanood ku dhexmaray Ciidamada Qaranka Somaliland iyo Kooxaha Huwanta ah ee isa soo baahaystay.

Waxayna ay ku eeddaysay Maleeshiyada maamul goboleedka Puntland iyo kooxaha huwanta inay sababeen dagaalka, waxayna si weyn u canbaaraysay weerarka oo ay ku tilmaantay mid gardaro iyo xad-gudub ah.

Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartay, ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka Somaliland ay si guule iskaga difaaceen kooxaha huwanta, isla markaana ay ka go’antahay in ay difaacaan dhulka Somaliland.

Waxaa kale oo ay sheegtay in ciidamadaas ay rabaan in ay burburiyaan nabada, iyaga oo ka shaqaynaya danta maamul goboleedkaΒ  Soomaaliya ee Puntland.

Wasaaradda Gaashaandhigga, ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay in Somaliland ay waddaamada gobolka, Bariga Afrika iyo beesha caalamkaba ay ogaysiinyso in weerar lagu soo qaaday ciidankeeda ku sugan aaga Maraaga iyo Xargaga ee duleedka Laascaanood.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here