Ardayda Jaamacadaha Burco oo Kulan Su’aallo Ku Waydiiyay Madaxweyne Biixi

0
693

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay kulan ballaadhan oo su’aalo iyo jawaabo la isku weydaarsaday la qaatay ardayda wax ka barta jaamacadaha ku yaalla magaaladda Burco iyo bahda aqooon yahanka ee gobolka Togdheer.


Munaasibadan oo lagu qabtay barxada hore ee Qasriga Madaxtooyada Burco, ayaa madaxweynuhu waxa uu kaga jawaabay tiro su’aalo ah oo ku saabsan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, Beeraha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Da’yarta aqoon yahanka Burco, ayaa madaxweynaha waxay si furan u weydiiyeen su’aalo kala duwan oo ay u baahnaayeen in loo bayaamiyo.

Isagoona madaxweynuhu ardayda iyo aqoon yahankii kale ee madasha ku sugnaa ba su’aalahaasi ka siiyay jawaabo si fiican ay ugu qanceen.

Geesta kale, waxa ay ardaydu su’aalo shaqadooda ku saabsan waydiiyeen xubno ka mid ahaa wasiirrada xukuumadda ka tirsan oo kulanka ku wehelinayey madaxweynaha, kuwaas iyaguna su’aalihii ka bixiyay jawaabo waadix ah.

DAAWO: Muqaalada Guud ee Kulanka Mada weyne MBC ee Jaamacadaha Burco:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here