Wasaaradda Maaliyadda oo Tababar U Furtay Agaasimeyaasha Maamulka-Lacagta iyo Xisaabiyeyaasha-Hay’addaha Dowladda

0
530

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa tabobar mihiim ah u furtay Agaasimeyaasha Maamulka Lacagta, Xisaabiyayaasha Hay’addaha Dowladda iyo ciidamadda.

Kuwaas oo lagu tabobari doono sidii ay hanaanka is-wada ee Xogta Maamulka Maaliyadda loogu soo diyaarin lahaa Miisaaniyadda Dawladda ee 2024-ka.

Tabobarkaas oo ay si wada jir ah u qaban doonaan saraakiil ka kala socda Waaxaha Miisaaniyada iyo IFMIS iyo IT-ga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland, ayaa masuuliyiinta hay’addaha dowladda u qaabilsan diyaarinta miisaaniyadda ku siin doona casharo la xidhiidha sidii ay si habsami ah ugu soo diyaarin lahaayeen miisaaniyadda hay’adahooda, iyagoo ku ilaalin doona xaddiga qoondada aan la dhaafi Karin ee miisaaniyadeed .

Tababarkaas oo sida qorshuhu yahay muddo saddex maalmood ah socon doona, ayaa waxa saraakiisha Maamulka Maaliyadda ee Hay’addaha Dowladda lagu tabobari doona qoddobo ay ka mid yihiin:-

1.Habraaca Diyaarinta Miisaaniyadda, taas oo sharaxaad dheer laga siindoono saraakiishaasi habraacyada ay marto diyaarinta miisaaniyadda dawladu.

2.In lagu tababaro Xaddiga Qoondada aan la dhaafi Karin ee miisaaniyadeed (Budget Ceiling)yaa

3.Sumad-xisaabeedka loo adeegsado miisaaniyadda oo horumarin iyo wax-ka-badel lagu sameeyey lana waafajiyey sumad xisaabeedka caalamiga ah (Standard Chart of Accounts).

4.Ku-diyaarinta miisaaniyadda ee hanaanka online-ka ah ee maaraynta xogta maamulka maaliyadda ee IFMIS.

5.Diyaarinta Kharashka shaqaalaha 2024-ka sida darajada shaqaalaha iyo badelka shaqaalaha dawlada ee ka badashay ama u soo badashay Wasaaradda ama Hay’adaha dowladda.

6.Diyaarinta Mashaariicda Dawlada ee 2024 oo faahfaahsan.

7.Diyaarinta darajadda ciidamadda iyo horumarintooda.

Tabobarka oo u daah-furay Agaasimaha Waaxda Miisaaniyadda iyo Qorshaynta ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Yaasiin Ducaale Barre, ayuu si qoto dheer ugu sharaxay ujeedada iyo mihiimada tabobarkaasi u leeyahay qaranka, kaas oo ku dhiirigaliyey saraakiisha hay’addaha dowladda u qaabilsan diyaarinta miisaaniyadda inay weeleeyaan oo ay si wanaagsan uga faa’idaystaan tabobarkaas mudada uu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here