Xukuumadda Somaliland oo Soo Saartay Xeer-nidaamiye Ay Ku Fulinayso Hay’addaha Qaramada Midoobay

0
1636

Hargeysa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Shaqo Gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay soo saartay Xeer-nidaamiyaha Maamulka Lacagaha Dhawrista Bulshada ee loo yaqaano (Cash Transfers).

Xeer-nidaamiyahan, ayaa waxaa ay Wasaaraddu ku fulinaysaa dhammaan Hay’addaha Maxaliga ah, kuwa Caalamiga ah, Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqo Gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Somaliland.

War-saxaafadeedka, ayaa sidoo kale lagu sheegay in xeernidaamiyahan lagu fulinayo Hay’addaha Qaramadda Midoobay iyo Hay’addaha Islaamiga ah ee ka shaqeeya Daryeelka Bulshada islamarkaana gaadhsiiya bulshada Lacagaha Dhawrista Bulshada (Cash Transfers).

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay in Xeernidaamiyahan lagu fulin doono baananka lacagahaasi gaadhsiinaya bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here