Xukuumadda Somaliland oo si Adag u Beenisay Sheegashada Soomaaliya ee koonfurta Badda Gacanka Cadmeed

0
157

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna Afhayeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa caddeeyay in JSL ay ka taliso koonfurta badda gacanka Cadmeed, isla markaana aanay waxba ka jirin sheegashooyinka Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafintu wuxuu sheegay haddii ay dhab ahaan lahayd sheegashada Soomaaliya ee badda Somaliland inay hadhayn lahayd xasilooni darro, budhcad baddeed iyo hubka sharci darrada ah.

Wasiir Cali Xasan wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter), waxaanu yidhi “Waa xaqiiq in Koonfurta Badda Gacanka Cadmeed ay xukunto Jamhuuriyadda Somaliland oo ku guulaysatay inay ka caaganaato oo ay ka tirtirtay noocyada budhcad baddeeda oo dhan iyo facaa’ilka kale ee sharci darrada ah. Dhinaca kale sheegashada been abuurka ah ee Xukuumadda Xasan Sheekh sida joogtada ah ugu andacooto inay maamusho badda, waxa ay uga gol-leedahay inay sumcad ku hesho marinka muhiimka ah ee Bab Al-mandab, haddii sheegashadeedu dhab ahaan lahayd waxa xaqiiqo ah in gobolka iyo badda ay hadheyn lahaayeen xasilooni darro, budhcad baddeed, tahriib, hubka sharci darrada ah iyo dhammaan dhaqannada sharci darrada ah oo dhan.”

Wasiir Cali Xasan waxa uu caddeeyay inay Somaliland ka dhigtay xeebteeda mid xasiloon oo ay badbaado ku maraan ganacsiga caalamiga ahi, waxaannu yidhi: “Nasiib wanaag Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay badda ka dhigtay mid nabdoon oo ay baddeecadaha ganacsiga caalamiga ah ee adduunyada iskaga kala gooshaa ku maraan badbaado iyo xasilooni.

Sidaas darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waa daneeye muhiim u ah xasiloonida gobolka iyo ka caalamkaba xilligan xasaasiga ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here