Turkiga oo fashiliyey weerar argagixiso oo lagu qaaday maxakamad ku taal Istanbul

0
157

ISTANBUL– Mas’uuliyiinta dalka Turkiga ayaa sheegay in ay fashiliyeen waxa ay ugu yeereen weerar argagixiso oo lagu qaaday maxkamad ku taalla magaalada Istanbuul, halkaasi oo ay ku toogteen labo qof oo weerarka soo qaaday.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in dadka la dilay oo nin iyo haweenay ah ay ka tirsanaayeen kooxda la mamnuucay oo bidixda fog ee Xisbiga Kacaanka.

Wuxuu intaas ku daray in lix qof oo kale ay ku dhaawacmeen — saddex qof oo rayid ah iyo saddex askari oo booliis ah.

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay muuqaalka weerarkan oo ka dhacay bannaanka hore ee maxkamadda Caglayan, oo la sheegay in ay duubeen kamarooyinka ammaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here