Abwaan Cabdiraxmaan Abees Oo Hargaysa Lagu Xidhay.

0
187

Hargeysa,(HargeisaPress)–Abwaan Cabdiraxmaan Abees oo laba cisho uun ka hor kusoo bandhigay buug oo ka qoray xaaladda Somaliland iyo dhalliilo uu ka muujiyay nidaamka xukuumadda talada haysa ayaa saaka lagu xidhay magaalada Hargeysa.

Abwaan Abees ayaa buuggan qoray ka dib markii uu xabsi kasoo baxay mar ay dawladdu xidhay dhowr sanno ka hor.

Buugga Mayal ee abwaanku qoray oo la daabacay laba sanno ka hor ayaa muddadaasba u xannibnaa xukuumadda oo gacanta ku haysay ka dib markii ay qabatay daabacaadaha buugga oo garoonka diyaaradaha Hargeysa lagasoo dejinayo, dhawaan ayayse fasaxeen buugaasi.

Waxa isna dalka sannad iyo dheeraad dalka dibaddiisa ugu maqnaa cabsi abwaan abees oo sheegay in xadhigay lala maaganyahay, balse dhawaan ayuu yimi xafladna u qabtay bandhigga buuggan xukuumadda ka cadhaysiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here