Xukuumadda Somaliland oo Kordhisay Qiimaha Lagu Cashuuro Shidaalka

0
2017

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay kordhisay qiimaha lagu cashuuro shidaalka dalka soo gala ee ka soo dega Dekedda magaalada Berbera.

Xukuumadda, ayaa waxaa ay soo saartay wareegto ay ku amrayso kordhinta qiimaha Shidaalka, iyadoo halkii Foostoba ku kordhisay 3 Dollar oo cashuura.

Arrinkan, ayaa ku soo beegmaya xilli uu dalku la ciir ciirayo sicir barar ku yimi quutal daruuriga oo cirka isku shareeray, waxaana xukuumadda lagu eedeeyay in ay sabab u tahay sicir barar ka jira deegaamada Somaliland.

Sidoo kale, Qiimo dhac, ayaa ku yimid Shilinka Somaliland, taas oo sababtay in 100 Dollar uu ku sii socdo Milyan Shilinka Somaliland ah.

May be an image of blueprint and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here