Gudiga Joogtada G. Guurtida JSL Oo Xog-waraysi La Yeeshay Wasiirka Dastuurka

0
425

Hargaysa (HP): Guddi hoosaadka joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta kulan xog waraysi ah la yeeshay wasiirka dastuurka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda ee Hargaysa ayay xubnaha guddigu masuuliyiinta wasaaradda Dastuurka ku waydiiyeen su’aallo ku saabsan shaqada ay wasaradu qaranka uga masuulka tahay.

Wasiirka wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo guddiga joogta Guurtidda warbixin siinayay ayaa faah-faahiyay hawlaha ay wasaaradu ku talaabsatay.

Waxaanu sheegay in wasaaradu ay si weyn uga shaqaysay sidii qaybaha kala duwan ee bulshadda loo bari lahaa, loona fahamsiin lahaa dastuurka iyo shuruucda dalka.

Maxamed Xaaji Aadan, ayaa tilmaamay in manhajka waxbarashadda dugsiyadxa hoose, dhexe, iyo sare ba loo diyaariyay in ardayda lagu barro dastuurka, waddaniyadda, iyo shuruucda kale ee dalka.


Geesta kale xubnaha xildhibaanadda guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda ayaa wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay shacabka u gaadhsiiyeen fidinta dastuurka.

DAAWO: Wasiirka Dastuurka Oo Guddiga Warbixin Siinaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here