Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa war-saxaafadeed ay maanta soo saartay si weyn ugu mahadnaqday dawladda Imaaraadka Carabta soo dhaweynta ay u muujisay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) intii uu booqashada rasmiga ah ku joogay dalkaasi.
Warsaxaafadeedka, ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Cirro uu ka qayb galay shirka dawladaha adduunka isaga oo madaxda caalamka, maalgashadayaasha siyaasadda jaangooya kala qayb galay horumarinta ajandayaasha diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Somaliland.
Wadahadallada uu madaxda adduunka la yeeshay Madaxweyne Cirro, ayaa iftiimiyay doorka istaraatijiyadeed ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta saaxiib dal saaxiib ganacsi la ah Somalilandย isla-markaana kaalin weyn ka qaata ammaanka Geeska Afrika.
War-saxaafadeedku wuxuu intaas ku daray in Madaxweyne Cirro intii uu booqashada ku joogay dalka Imaaraadka Carabta uu kulamo la yeeshay masuuliyiinta Imaaraadka, madaxda xarunta ganacsiga, bangiga dhexe ee Imaaraadka iyo Madaxda sarsare ee DP World oo uu kala hadlay sidii loo kobcin lahaa ganansiga, maalgashiga iyo iskaashiga dhaqaale.
Sidoo kale, madaxweynuhu waxaa uu waraysiyo kala duwan la yeeshay warbaahinta waaweyn ee caalamka, taas oo sii xoogaysay himilada Somaliland ee dhinacaย aqoonsi raadinta iyo kobcintaย dhaqaalaha.
War-saxaafadeedka, ayaa lagu sheegay in soo dhawaynt diirran ee ay Dubai u samaysay madaxweynaha ay ka tarjumayso sida ay Somaliland diblomaasiyad ahaan qayb uga tahay madalaha caalamka iyo inay ka goโan tahay inay caalamka iskaashi la samayso.
“Si loo xaqiijiyo in natiijooyin la taaban karo ay ka soo baxaan kulamadaasi, wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland waxa ay samaynaysaa koox dagabgal ku samaysa oo isku xidha wasaaradaha ay khuseeyaan arrimahani isla markaana sameeya istaraatijiyad la raaco,”ayaa lagu yidhi War-murtiyeedka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland.
War-saxaafadeeedka, ayaa lagu soo gabagabeeyay,ย “Xukuumadda Somaliland waxa ka goโan kobcinta maalgashiga, xoojinta xidhiidhka labada dal iyo horumarinta kobaca dhaqaale ee mustaqbalka fog. Waxaanu Madaxweyne Cirro iyo weftigiisa ku bogaadinaynaa sida ay uga qayb-gelayaan masraxa caalamiga ah, waxana aanu mar kale xaqiijinaynaa dedaalka aanu ugu jirno sidii Somaliland ku heli lahayd maqaam caalami ah.”