Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti oo loo-doortay Guddoomiyaha cusub ee Midowga Afrika

0
605

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Maxamuud Cali Yuusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo muddo dheer soo hayay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Guddiga Midowga Afrika (AUC) ka dib doorasho lagu tartamo oo ka dhacday Shir Madaxeedka 38-aad ee Ururka Midowga Afrika oo ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa waxaa uu helay 33 cod wareegii ugu dambeeyay, guushiisu waxay u dhigantaa guul diblumaasiyadeed oo muhiim ah Jabuuti waxayna u horseedaysaa waa cusub oo hoggaanka Midowga Afrika.

Musharaxa Kenya, Raila Odinga, ayaa ku guuldareystay inuu u tartamo jagadaas, inkastoo uu ku horeeyo wareegii hore ee cod bixinta. Doorashada ayaa ka dhacday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana la arkayay dhowr wareeg oo codbixin ah ka hor inta aanu Maxamuud Cali Yuusuf ku soo bixin doorashada.

Wareegii koowaad, Raila Odinga ayaa helay 20 cod, waxaana ku soo xigay Maxamuud Cali Yuusuf oo helay 18 cod, halka Richard Randriamandrato oo u dhashay Madagascar uu helay 10 cod. Hal waddan ayaa ka aamusay codbixinta.

Intii lagu guda jiray wareegii labaad, Raila Odinga, ayaa codadkiisa ku kordhiyey 22 cod, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa helay 19 cod, halka Randriamandrato uu helay 7 cod, hal qaran ayaa mar kale ka aamusay.

Wareegii 3-aad, ayaa waxaa markii ugu horeysay ku hor kacaya Maxamuud Cali Yuusuf oo helay 23 cod, halka Raila Odinga uu helay 20 cod, halka Randriamandrato uu u dhacay 5 cod. Iyadoo hal waddan uu ka aamusay, Randriamandrato ayaa laga saaray tartanka, taasoo keentay in Raila Odinga iyo Maxamuud Cali Yuusuf ay si toos ah u tartamaan.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hoggaanka u dheereeyay wareegii afaraad, isagoo helay 25 cod halka Raila Odinga uu helay 21 cod, halka hal cod uu xumaaday hal dalna uu ka aamusay.

Wareegii shanaad, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ku sii adkaystay hoggaanka, isagoo helay 26 cod, halka Raila Odinga uu ku hadhay 21 cod, hal waddan ayaa ka aamusay. Isbeddelka ayaa ku socday wareeggii lixaad, iyadoo Maxamuud Cali Yuusuf uu helay 26 cod halka Raila Odinga uu helay 22 cod, halka hal waddan uu mar kale ka aamusay.

Iyadoo Raila Odinga uu ku hadhay wareegii lixaad kaddib, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa ahaa musharraxa kaliya ee wareegii toddobaad, isagoo u baahnaa inuu helo aqlabiyad saddex-meelood laba meel. Waxa uu ku guulaystay 33 cod, isaga oo gaadhay heerkii loo baahnaa si loogu dhawaaqo Guddoomiyaha cusub ee AUC.

Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa lagu wadaa inuu xilka kala wareego Moussa Faki oo ka socda Chad, kaasoo xilkaasi hayay sideeddii sano ee lasoo dhaafay. Doorashadiisa waxay muujinaysaa jihada cusub ee Midowga Afrika maadaama uu qaadayo mas’uuliyadaha hoggaaminta guddiga.

Taariikhda Maxamuud Cali Yuusuf

Maxamuud Cali Yuusuf, waxa uu ahaa shaqsi muhiim u ah siyaasadda arrimaha dibadda ee Jabuuti in ka badan labaatan sano. Waxa uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti tan iyo 2005, isaga oo door muhiim ah ka ciyaaray xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee dalka ee heer gobol iyo heer caalamiba.

Waxa uu gacan weyn ka geystay kobcinta xidhiidhka quwadaha caalamka iyo dhexdhexaadinta colaadaha gobolka. Hoggaamintiisa wada-xaajoodyada kala duwan ee caalamiga ah iyo dadaallada nabad-ilaalinta ayaa u horseeday in loo aqoonsado dublamaasi rug-caddaa ah. Khibraddiisa durugsan ee dublamaasiyadda Afrika iyo tan caalamka ayaa ka dhigaysa inuu si hufan u hoggaamiyo guddiga Midowga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here