Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay hakisay dhamaan hantidii ma guurtada ahayd ee la bixiyey mudadii kala-guurka ahayd ee ay xilka kula kala wareegayeen labada Xukuumadood.
Wasaaradda Hawlaha Guud, ayaa Maayarada Magaalooyinka dalka ku amartey in aanay wax sharci sh u samayn hantidaasi la bixiyey ilaa go’aan rasmi ah ka soo baxayo.
Wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta Somaliland Xuseen Axmed Caydiid, ayaa soo saarey go’aan ay Wasaaraddu ku hakisey hantidii ma’guurtada ahayd ee la bixiyey mudadii kala-guurka labadda xukuumadood iskala-badalayeen.
Hoos ka akhriso wareegtada