Xukuumadda Somaliland oo Dadweynaha uga digtay Duufaanno hor leh oo laga cabsi qabo inay ku dhuftaan Xeebaha

0
785

Hargeysa, (HargeisaPress) — Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay khatarta ka iman karta Roobab iyo Duufaanno la Saadaaliyey inay ku soo waajahan yihiin Xeebaha Somaliland qaarkood, kuwaas oo hor-dhacoodu soo gaadhay Xeebaha Bulaxaar iyo Lughaya dhammaadkii toddobaadkii hore.

 

Xukuumadda Somaliland, ayaa dadweynaha ku dhaqan deegaannada ku dhow Xeebaha Dalka ugu baaqday inay ka durkaan Badda isla-markaana Kalluumaysatu si deg-deg ah Badda uga soo baxaan oo ay ka digtoonaadaan Mushkiladda ka dhalan karta Duufaannada laga cabsi qabo.

 

Sidaana waxa Sheegay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo Maanta Kormeer ku soo maray hawl dib loogu hagaajinayo Waddada Hargeysa iyo Berbera isku xidha oo Roobabkii u dambeeyay waxyeelo soo gaadhsiiyeen.

Wasiir Xaashi oo farriintaa wacyi-gelinta Shacabka u diraya ayaa yidhi, “Waxaan bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka dega Xeebaha aan Warbaahinta u marinayaa farriin wacyi-galin ah. Dadka ku xeel-dheer Saadaasha Hawadu waxay sheegayaan Dabeylo iyo Duufaanno ILLAAHAY ha ina hareer mariyo’e, waana la arkay oo waxay ka dhaceen Degmooyinka Bulaxaar iyo Lughaya oo wixii aanu ka qaban karaynay Xukuumad ahaan waanu ku hawlan nahay oo ilaa Shalay Dadkaas Raashin ayaa loo dirayey, Runtiina waxaan ugu mahadnaqayaa Wasiirka Maaliyadda oo Madaxweynuhu ku amray hawshaas.

wasirka mad

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasiirka Madaxtooyada oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Bulshadaa waxaan leeyahay ka tabaabulshaysta dhawr arrimood ayaa laga baqayaaye waa in meelaha Badda u dhow laga fogaadaa waayo? labada arrimood ee laga baqayaa midda koowaad waa Badda oo soo fatahda oo soo caaridda oo wax qaada. Midda labaadna waa Dabalyo soo dhaw oo qaada waxa ku dhaw, markaa waxaan leeyahay labadaas Arrimood taladoodu waxa weeye in Badda laga fogaado oo dadka Kalluumaysatada ahina ay Badda iskaga soo baxaan. Dadka Badda agteeda Xoolaha ku dhaqdaana waa inay isaga fogaadaan.

Dadka Meelaha aan dugsiga ahayn joogaana waa inay ka guuraan oo meelaha dugsiga ah ee Buuraha u soo guuraan, waxaan leeyahay tallooyinkaasi waa kuwo ka turjumaya sida looga gaashaaman karo Aafooyinka innagu soo socda ILLAAHAY inooma keenee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Waxyaabahaas dabiiciga ah ILLAAHAY ayuubaa hakin kara ee Dawladduhu ma qabtaan oo kuwa inaga xooga weyn ayaa ku guuldaraystay inay hakiyaan, markaa Innaga oo Itaalkeena aynu ognahay hadalkeedaba daa’. Soomaalidu waxay tihaahdaa ILLAAHAY ha ku badbaadiyee adiguna meel baydhsan seexo, markaa Dadkaas waxaan leeyahay talladaas qaata.”

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here