Itoobiya oo Qorsheynaysa inay dhisto Garoonka ugu Weyn Afrika & dhaqaale la’aan soo Wajahday

0
932
Addis Ababa, (HargeisaPress) —Dowladda Itoobiya ayaa qorsheynaysa in ay dhisto garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Afrika, balse waxaa muuqanaysa inay soo wajahayaan dhaqaale yari, taasoo caqabad ku noqonaysa qorshaha dhismaha garoonkan diyaaradeed.

 

Garoonka cusub ee ay dhisayso dowladda Itoobiya ayaa waxaa ku baxaya dhaqaale dhan 4-bilyan oo doollar, waxaana garoonkan cusub uu noqonayo midka labaad ee ugu weyn ee ay yeelanayso magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

 

Warbaahinta Itoobiya ayaa baahiyay in garoonkaan uu sannadkiiba u adeegi doono rakaab dhan 120-milyan oo rakaab ah haddii la furo. Laakiinse warbixin cusub oo ay soo saareen khuburo dhanka dhaqaalaha ah ayaa lagu xusay in dib-u-dhac uu ku imaan karo dhismaha garoonkan, taasoo ay sabab u tahay dhaqaale yari iyo safirka lacagta dalka Itoobiya oo laga yaabo inay hoos u dhacdo sanadka nagu soo aaddan ee 2016-ka.

 

Sidoo kale, garoonkan diyaaradeed ayaa lagu sheegay inuu noqonayo midkii ugu weynaa ee Afrika laga dhiso abid, kaasoo xitaa ka baxad weyn garoonka London ee Heathrow oo sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka adeeg u fidiyay 73.4 milyan oo rakaab ah.

 

Garoonka diyaaradeed ee ugu weyn Qaaradda Afrika ayaa ah garoonka O.R. Tambo oo ku yaalla duleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika; kaasoo ay sannadkiiba ku dagaan 18-milyan oo rakaab ah, kaas oo ay rakaabka uu qaado ay gaarayaan 28-milyan oo qof.

 

Ugu dambeyn, mashruucan lagu dhisayo garoonkan cusub ee Afrika ugu weyn ayaa ka mid ah mashaariicda waaweyn ee ay dowladda Itoobiya doonayso inay sannadaha soo socda ka hirgeliso dalkeeda.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here