“ Roobabkii Waxay Waxyeeleen jidadkii, taas Oo Hakad Galisay isu Socodkii bulshada, arintaas oo aanu wax ka qabanay shaqadeeduna ay wali socoto.” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland + SAWIRRO

0
926

Hargeysa, (HargeisaPress) — Waxa saaka aniga iyo masuuliyiinta dhinacyadada taagani waxaanu kormeer ku nimid Tabaalaha iyo dhaawacyada soo gaadhay jidka laamida ah ee Degmada Laasgeel iyo Aaga Dhutiso, dhaawac weyn ayaa wadada soo gaadhay oo daadadkii ay keeneen, ILAHAY ayaa SWT ku mahadsan barwaaqadaas uu ina siiyey mudo yar ka hor waxaynu ka cabanaynay Abaar, binu Aadam ayeynu nahay Itaal darran, Nimco waliba nusqaan leh, Roobabkii waxay waxyeeleen jidadkii, taas oo hakad galisay isu socodkii bulshada, arintaas oo aanu wax ka qabanay shaqadeeduna ay wali socoto.

wasiirka madax

Waxaan u mahad naqayaa Gudoomiyaha Degmada Laasgeel oo u dhaqmay si masuuliyad iyo xilkasnimo leh, qaylo dhaana keenay, sidoo kalena waxaan u mahad naqayaa Maareeyaha Hay’adda Wadooyinka Mudane Xasan, iyo Injineeradiisa oo iyaguna ilaa shalay ku hawlanaa arrimahan oo saaka aanu halkan goobta shaqada ugu nimid, wax kale oo aan u mahad naqayaa Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse oo isaguna saaka waabarigii soo kalahay oo iga soo horeeyey. wakhtigan roobabka ah qorshe degdeg ah ayey u baahan yihiin Wadooyinku. Waxaan ILAHAY uga baranayaa inuu shaqada ay hayaan ka kaalmeeyo hawl wadeena iyo madaxda Hay’adda Wadooyinka ee shaqada baaxda leh halkan ka wada, anaguna waanu ku dhiiri galinaynaa.

wasirka madax 6

Waxaan jecelahay inaan halkan fariid ugu diro bulshada reer Somaliland gaar ahaan dadka gaadiidka wada, waxa dhacda in dadka gaadiidka wada qaar ka mid ahi ay had iyo jeer si masuuliyad darro ah ay wadooyinka u maraan, iyaga oo khatar galinaya Nafaha ay sidaan, ILAHAY Wuu ka xisaabin doonaa If iyo Aakiraba, Sharciguna wuu la xisaabtami doonaa, waxaan leeyahay naftaada iyo nafaha aad sidaanba u tudha Sharciga Iaaliya, gaadiidka si wanaagsan u wada, marka ay dooxyadu soo dhacaana iskaga jooga, lana shaqeeya Ciidmadda Amaanka ee Amarada idin siinaya, dadweynaha xilka saarani waxa weeye in Dirawalka aan wanaagsaneyn aanay ka ogolaan inuu naftooda khatar galiyo, Ciimada Amaanka waxaanu faraynaynaa inay dadaal iyo xilkasnimo dheeraar ah sameeyaan, isla markaana hakiyaan gaadiidka wakhtiga daadku uu socdo, gaadiid kama gudbi karro dooxyada wakhtiga ay daadadku marayaan waa Amar dawladeed, hore-na waa loo sheegay waa Siyaaasadda dawladda si loo badbaadiyo nafta iyo hantida muwaadiniinta.

 

WAS

 

 

Waxa waajib inagu ah inaynu gacmaha is qabsano ILAHAY-na u mahad celino, Kibir iyo wax la mid ahna inaynaan la iman, ILAHAY-na inaynaan ka gaaloobin oo ka kufriyin, wixii aynu qaban karana aynu qabano, shaqada aynu halkaas ka sii wadno.”

wasirka madax
Waxa kale oo bulshada reer Somaliland, gaar ahaan dadka dega xeebanaha waxa aan warbaahinta u marinayaa fariin wacyi galin ah, waxa la sheegayaa dabaylo iyo duufaano, ILAHAY ha ina hareeer mariyo Runa way noqon kartaa, beena way noqon kartaa, laakiin dadka ku xeel-dheer saadaasha hawadu arrimahaas ayey sheegayaan, waana la arkay oo waxay ka dhaceen degmooyinka Bulixaar iyo Lughaya, oo wixii aanu ka qaban karaynay Xukuumadd ahaan waanu ku hawlan nahay, ilaa shalayna dadkaas Raashin ayaa loo dirayey, runtii waxaan ugu mahad naqayaa Wasiirka Maaliyadda oo Madaxweynuhu ku amray hawshaas.

wasirka mad

Waxaan leeyahay bulshadaas ka tabaabulshaysta dhawr Arrimood ayaa laga baqayaaye waa in meelaha Bada Qawrigeeeda laga fogaadaa waayo labada arrimood ee laga baqayaa midi waa Bada oo soo fatahda oo soo caarida oo wax qaada. midna waa dabalyo soo dhawda oo qaada waxa ku dhaw, waxaan leeyahay labadaas aarimood taladoodu waxa weeye in Bada laga fogaado oo dadka Kaluumaysatada ahina ay bada isakaga soo baxaan, dadka Bada agteeda Xoolaha ku dhaqdaana waa inay isaga fogaadaan Bada, dadka meelaha aan dugsiga ahayn joogaana waa inay ka guuraan oo meelaha dugsiga ah ee buuraha u soo guuraan, waxaan leeyahay tallooyinkaasi waa kuwo ka turjumaya sida looga gaashaaman karro Aafooyinka isnagu soo socda ILAHAY inooma keenee, wax-yaabahaas dabiiciga ah ILAHAY ayuubaa hakin kara dawladdu ma qabtaan kuwa inaga xooga weyn ayaa ku guuldaraystay inay hakiyaan, Inaga oo Itaalkeena aynu ognahay hadalkeedaba daa, Soomaalidu waxay tihaahdaa ILAHAY ha ku badbaadiyeeen adna meel baydhsan seexo. Dadkaas waxaan leeyahay talladaas qaata.”

 

ALLA Mahad Leh.
Guul Somaliland Shacab iyo Dawladd-ba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here