Xukuumadda oo Fasaxday Dugsiyada Waxbarashada

0
1748

Hargeisa (Hargeisa Press) – Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa maanta ku dhawaaqday inay fasaxday dhamaan dugsiyadii waxbarashada sababo la xidhiidha xannuunka COVID-19.

Waxaana sidaasi sheegay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo maanta warbaahinta la hadlay.

Maalinnimadii Axada ayay ahayd markii Wasaaradda Waxbarashada, ay Guddida la dagaalanka xanuunka Covid-19 u gudbisay dalab ku aadan Dugsiyada dalka, sababo la xidhiidha xanuunkaasi.

Wasaaradda ayaa Guddida xanuunka Covid-19 ka dalbatay in Ardayda dugsiyada la fasaxo muddo laba bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here