SOMALILAND: Sarkaal Ka Tirsanaa Wasaarada Waxbarashada Oo Midi Nafta Lagaga Jaray

0
2053

Hargeysa(HargeisaPress)–Alle ha u naxariiste Xamse Maxamuud Nuur (Xamse-JIIR) ayaa caawa gacan ka xaq-darani ku dishay Xaafada Aktoober ee Magaalada Hargeysa. 

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee HargeisaPress u xaqiijiyay mid ka mid ah ehelada Marxuumka oo aan khadka telefoonka kula xidhiidhnay, Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Taliska Ciidamada Booliska Somaliland oo la xidhiidha dilka marxuumkan.

Hasayeeshe wararka na soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in gacan ku dhiigluhu uu marxuumka la dhacay midi oo uu nafta kaga gooyay, Ilaa imika lama garanayo waxa sababay dilkan marxuumka. 

 Alle ha u naxariiste Marxuum Xasme Maxamuud Nuur ayaa waxa uu ka tirsanaa kormeerayaasha  Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska gaar ahaan Gobolka HAWD. 

Marxuunka ILAAHAY ha ugu deeqo oo ha ku Casuumo Janatul Fardowsa. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here