Xukuumada Siilaanyo waxay wanaagii dawladnimo uwada yeeshay Wegdo, Dalbo,tuur iyo tarbiicooyin ummaddu wada daalacatay. Qalinkii A/rahman fidhinle UK

0
953

Maamulkasta oo xukuumadeed waxaa laf-dhabar u ah guusheeda iyo guul daradeeda  hadba tacabka, aqoonta iyo cududa shaqaale ee hawl-maalmeedkeeda u fuliya, Waxaa shacabku u igmadeen oo u doorteen xukuumada in ay hormood ka noqoto dareenkooda iyo daryeelka  lama huraanka  u ah horumarinta noloshooda aas-aasiga ah. Hadaba waxaa wax garadka fogaan araga ahi isku raaceen in badankii hawl-wadeenada xukuumadu ay xilalka u-haystaan in lagu xoogsado oo wax lagu raamsado oo duunyo lagu lunsado. Waxaana qaar badan naafeeyey tayo xumo, taba-bar la’aan, tamar la’aan iyo saboolnimo. Waxaad arkeysaa qaar soo quturnaa ilaa iyo xukuumadii  marxuum Cigaal  oo hadana  indho yuub ah oo aad moodid in aaney habeen jirin. Waxaa ummaddu wada aragtaa in xukuumada ay ka muuqato qaf-qafleyn, qawda maqashii waxna haw-qaban ,qaybsanaan baahsan iyo qaraabo kiil ba’an. Waxaa inataa udheer oo shacabkii wada daalacday nabaro duudsi ah, dhagaro aan bireysneyn iyo surmo seegtooyin aan dhudhun iyo dhumuc lahayn oo hantidii ummadda, kheyraadkii dabiiciga ahaa iyo dantii guud ee dalka  lagu boobaayo, waxaa taana ka sii daran hiiftan, haaraanka iyo hagardaamooyinka joogtada ah ee shacabka wadanka lagu hayo.

  1. Xukuumada talada haysaa marna lama ay iman Xirfad iyo Xarago horumarindeed oo buuran kadib markii uu hungo qaawan iska noqdey  qorshe hawl-leedkii horumarineed ee higsiga qaranka oo isagu ku danbeeyey gole ka fuul iyo dhagxaan meel la dhigo oo aan dhameystir laheyn.
  2. Waxay xukuumadu ku fashilantay in degaanka dalka iyo Baya’ada  wax laga qabato  maadaama ay Somaliland 30cm ee ciida/ carada ugu sareeysaa ay 95% ay nabaad guurtey  oo nafaqadii nolosha aadanaha iyo ta xooluhuba  ku xidhnaayeen ay ka dhamaatay.
  3. Waxay Xukuumadani ku  fashilantay in ay kab-kabto oo kordhiso baahiyaha aas-aasiga ah ee shacabka sida Biyaha, Leydhka, Caafimaadka, cadaalada iyo waxbarashada , taas oo danyartii  aaney awood u hayn oo aaney iibsan Karin adeegyadii joogtada  ahaa ee noloshoodu ku xidhnayd oo ilaa garsoorkii noqday.
  4. Waxay Xukuumadani  ku caan baxday in aaney waxba falkin, waxba fangarayn, waxba faaleyn laakiinse, caan ku noqotay in ay wax kasta fidmeyso,faquuqdo,feenato oo fadhataysato taas oo hada faro baas ku haysa dhulkii danta guud ahaa iyo hantidii maguuraanka aheyd ee dalka oo kala ah mood, mooro,magan, iyo maquunaba.
  5. Waxay si xun ugu fashilantay isku wadidii iyo isku xidhidii ama isku la-maaneyntii labada dhaqan ee siyaasadeed ee isku milmay ee Somaliland qaadatay oo kala ah dhaqanka wadaniga ah oo ahaa isagu dhaxalkii awoow-yaasheen iyo dhaqanka casriga ah ee reer galbeedka inooga yimi ee Dimuqraadiga ah.
  6. Waxay ku caanbaxday cadaalad daro baahsan oo hantidii yareyd ee qaranka shaqsiyaad gaar ah si gaar ah loogu sadqeeyey, Lagu naaxiyey oo lagu ilaaliyo oo sheerar iyo shirkado lagula gelaayo.

Xukuumadan jirta iyo xulafadeedu waxay khalad ka fahmeen “ Qaran Dimuqraadi ah” Dimuqraadiga oo macnahiisu uu noqonaayo xukunkii dadka  ama “ Shacabka” hadaba Dimuqraadigii Somaliland ee uu bishilka iyo bud-dhig u-ahaa Golihii Wakiiladu ee shacabku soo doortay ee u-wakiilka ahaa “ Represantative Democracy “ ayaa waxaa afduubatay oo doc-faruuray Xukuumadii oo ay isku milmeen oo ay dhabarka isu xoqeen , Taas oo ay badankii  Wakiiladu noqdeen kuwo u adeega xukuumada iyo naftooda oo keliya Laakiinse ilaaway in ay u-adeegaan dantii shacabkii doortay ee dirtay.!

Hadaba mar hadii uu sadexdii dhar-dhaar ee xukunka dawliga ahi uu ku fadhiyey ay hal dhar-dhaar oo shuraako ah,wax wada cuna oo isxanbaar ah oo ganacsato iyo shirkadley ah ay wada noqdeen . Maxaa magantii iyo maatidii SL u-hadhaaya?  Waxaa  maanta ay maatida Shacabka reer Somaliland ay miciinsanayaan oo ay magan u yihiin “ Cuqaasha, Culimada iyo  Caqli maalka  Dalka oo ee caqliga saliimka ka ah 
“Heedhe ma maqli jirteen maxay carartaa cago ma lahee! maxay curisaa ciirsi ma lahee! maxay hurisaa hogaan ma lahee! maxay hinjisaa hab-dhaqan ma lahee! maxay dhagxisaa, dhameystir ma lahee!  Halkii ay kaabeyaasha dhaqaalaha kab-kabi lahayd ayey  kud iyo kabax iyo kabo ka tolanaysaa oo boobaysaa degaladii iyo dantii guud ee dalka. Waxaa sahankeedii,hiraalkeedii , hirgelin-teedii iyo hal-qabsigeediiba uu ku soo ururay  anigu maxaan cunaa!  maxaan kireeyaa oo aan shebeg-udhigtaa oo aan sheerar ka helaa iyo boobaay oo yaan waxba la iigu iman.” waana iyaga iyo Allahood” !!

 Aniga oo yara sariiganaya oo idiin saraya oo sarka xaadinaaya waxaan maanta idiinku soo garoocayaa tixdan yar :

 Isku hilaneey, Higsi beeneey, xisbiyahanada ma xurmaysooy.

Xarbigeedana  xasabaysooy  Xoog bilaashliyo xidid xulatooy.

 Dhiilahaagii kuu dhitaysnaa dhami wayday’e, ha laguu dhuro 

  Hagar-daamooy, isku hilaneey hamigaagii huguruu galay   

                 ——–   ———-   —–  ——–  ———
Waxaad xidhateyna, xigtadaadiyo  isxanbaar baa kaaga xooriya.

Illaha irmaan iyo ibtoodaba,habaar qabe maal, misna ma hadhsado.

Laaxinkaagii labaciisii kala lulashiyo, lule dheer iyo Labac uun keen.

Xagal daacina, xaraan quutiyo, xeerar jebin iyo xurmo xumo keen.
                       —  —-       ———-  ——–
Xil-magaaguna xukunkaagii,  xajiimeeyoo, xaqsoor daayoo, isxurmayn waa.
 Maad magooline, Mooshin-quutaa maqaar saar iyo maqaam sare helay!
 Walee Shilinkii Shicibku lahaa Shirkadeysay’e  kuma Shaafidid.
Hagar-daamooy, isku hilaneey hamigaagii huguruu galay.
–       ———–  ———–Dhamaad———————–——-
Alleh ayaa mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Wa-laahum-aclum Wa-Bilaahi-Tawfiiq.
Qoraa Madax banaan
A/rahman fidhinle
Senior intensive ED.BD,PA
London- UK

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here