Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumada oo Magaalada Muqdisho soo gaadhay + SAWIRRO

0
864
Muqdisho — Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Somalia ee uu dhawaan magacaabaay ra’iisul wasaaaraha Somalia, Maxamed Cumar Carte ayaa soo gaaray Muqdisho maanta oo Jimco ah; iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyeen qaar ka mid ah golaha wasiirrada magacaaban, xildhibaanno, madaxda gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka.

Maxamed Cumar Carte oo ah ra’iisul wasaare ku xigeen keliya ayaa qaybaha warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo xusay inuu ku faraxsan yahay inuu Muqdisho soo gaaray maanta, uuna howlaha u harsan dowladda qaybtiisa ka qaato.

Maxamed_Cumar_Carte_RWKX_2

“Xildhibaannada baarlamaanka Somalia waxaan ka codsanaynaa inay codka kalsoonida ah siiyaan xukuumadda cusub, si howlaha u harsan dowladda loo dar-dar-geliyo,” ayuu yidhi ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda cusub.

Sidoo kale, ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia ayaa intaas ku daray in wasiirrada cusub ay horyaallaan howlo badan oo laga doonayo inay kasoo dhalaasho, haddii aan codka la siinna aysan howlgeli karin.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda magacaaban ayaa imaanshihiisu wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo lagu wado in maalinta berri ah xukuumadda la horgeeyo baaMaxamed_Cumar_Carte_RWKX_1rlamaanka si codka kalsoonida loogu qaado.

 

Dhanka kale, xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku diidday codsi uu soo jeediyay ra’iisul wasaare Sharma’arke, kaasoo ku aaddanaa in loo ogolaado inuu xukuumaddiisa horkeeno baarlamaanka 22-ka bishan oo ku beegan Khamiista soo socota.

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here