Xukumadda Siilaanyo Oo Xabsiga Dhigtay Suldaan Mawliid Sabayse

0
1066

Hargeysa, (HargeisaPress) — Booliska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay Suldaan Mawliid Cali Sabayse oo kamida Madaxdhaqameedka Bulshada ku dhaqan Galbeedka iyo Waqooyiga Gobolka Maroodi-jeex. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Suldaanka  in lagu xidhay xarunta C.I.D-da Hargeysa

 

Booliska oo sita warqad waaran qabasho ah oo ka soo baxday Maxakamadda, ayaa suldaanka ka qabtay guriga Salaadiinta ee Degmada Jigjiga Yar magaalada Hargeysa, sida uu xaqiijiyay suldaanka guud ee Subeer Awdal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi.

 

Taliye xigeenka Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle oo hogaaminayay ciidanka Suldaanka taxaabay ayaa sheegay in suldaanka la xidhay iyadoon dhib loo gaysan “Suldaanka waxaanu u gaynay waaran qabasha ah kadibna waa uu na soo raacay iyada oo aan wax dhiba loogaysan” ayuu yidhi C/raxmaan Liibaan Fooxle oo la hadlay wariye Khadar Macalin Deeq oo Saxansaxo ka tirsan.

 

Ilaa hadda ma jiro war ka soo baxay sababta loo xidhay Suldaan Sabayse, hase ahaatee xogaha laga helay ayaa sheegaya in kiiskiisu la xidhiidho mawqifkiisa wareejinta haamaha iyo gacan ka hadalkii dhexmaray guddoomiye Cirro iyo Baashe. Suldaanka oo goob joog ahaa dhacdadii wakiillada ka dhacday ayaa saxaafadda isla maalintii u sheegay in wixii dhacay Baashe Maxamed Faarax ka masuul ahaa, waxaanu ka soo horjeestay wareejinta Haamaha.

 

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Boqor Raabi Yuusuf Cabdillaahi oo ka mid ah hogaanka dhaqanka Somaliland 4 maalmood ku xidhan yahay Hargeysa kadib markii xukumaddu xabsiga dhigtay. Waxaa loo haystaa aragtidiisa uu ku diidan yahay xidhista seeraha banka qoolcaday oo xukumaddu waddo mashruuc lagu xidhayo, balse isagu uu la rabo in dhul daaqsimeed loo daayo.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here