Xudun (HP): Waxaa maanta magaaladda Xudun ee gobolka Sool laga daah-furay xarun loogu tallo galay n lagu badho laguna daaweeyo dadka uu haleelo xanuunka Coronavrus.
Furitaanka xaruntaasi waxaa goob joog ka ahaa maayarka degmadda Xudun, maayar ku xigeenkiisa, xubno ka mid ah golaha deegaanka Xudun, isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee degmadaasi iyo masuuliyiin kale.
Waxaana xaruntaasi hirgelisay wasaaradda caafimaadka Somaliland si bulshadda degmadda Xudun iyo deegaamadda ku xeeran ba ay u helaan xarun lagu daaweeyo, laguna baadho, isla markaana la jiifiyo cidii uu xanuunka Covid-19 ku dhaco.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.