Xoghayihii Hore Dawlada/hoose Ee Degmada Tog-Wajaale oo Lagu Taxaabay Xarunta Baadhsita Dambiyada Culus Ee Hargeysa iyo Sababta Loo Xidhay

0
1431

Hargeysa(HargeisaPress)-Xoghayihii hore Fulinta Maamulka Dawlada/hoose Ee Degmada Tog-Wajaale Liibaan Maxamuud Jibriil, ayaa Loo Taxaabay Xabsiga Xarunta Baadhista Dambiyada Culus Ee C.I.D ee Magaalada Hargeysa, Kadib Markii Amarka Xadhigiisa laga soo Bixiyay Dhinaca Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland oo uu Geeyay Waraaqo.

Sida ay Xaqiijiyeen Warar Xogogaal ah oo Ku Sahabsan Xadhiga Sarkaalkan ayaa  lagu Sheegay in uu U Gudbiyay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland qoraal been abuur ah oo ay Ku Sexeexan Yihiin Cuqaal kasoo Jeeda Beesha uu Katirsan Yahey, iyo Suldaanka Beesha Waraaqdaas oo Nuxurkeeda lagu Qorey in Beeshu iyo Odoyaashu isku Raaceen in lagu badelo Xoghayaha Fulinta Maamulka Dawlada/hoose ee Degmada Tog-Wajaale Cabdilaahi Xasan Samaale, Wali Waxa Socda Baadhista arintan oo ay Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Baadhsita Dambiyadu ladin Markii Tixraac ay Ku Samaysay Nuxurka Qoraalka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland islamarkaana, Wax laga Weydiiyay Qaar Ka mid ah odoyaasha Cuqaasha ah ee Ku Sexeexnaa Lifaaqa Qoraalka.

Wali majiro Natiijo kasoo baxdey Dhinaca Ciidamada Baadhista ee C.I.D haseyeeshee, Waxa la xaqiijinayaa in Sarkaalkani Been abuurtey Qoraalka iyo Sexeexyada Cuqaasha Sidaa daraadeedna uu isagu u Gudbiyay Dhinaca Wasaarada arintaas, oo iyaduna Qeyb ka noqonaysa Cadeynta loo hayo Faldambiyeedkan, Sidoo kale Waxaa Socota Baadhista, iyo Arimo kale oo Dhinaca Odoyaasha

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here