Xisbiga UCID Oo Shahaado Sharaf Gudoonsiiyey Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

0
1327

Hargeysa (HargeisaPress)-Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa shahaado sharaf uu ku mutaystay shaqada uu qaranka u hayo gudoonsiiyay guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe.

Xoghayaha arrimaha bulshada ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa sheegay in xisbi ahaan ay go’aansadeen in guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe ay ku bogaadiyaan, kuna abaal mariyaan sida uga soo baxay shaqadii uu qaranka u hayay.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in arrimaha ay ku majeerteen guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda ay ka mid tahay nidaamka ay u qaadaan imtixaannada shaqooyinka qaranka ee soo baxa iyo arrinta hawl-gabka ee ay hay’addu wado.

Ugu dambayn Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee UCID, uga mahad-naqay shahaado sharaftaas ay gudoon siiyeen, waxaanu xusay in arrintaas ay dhiiri-gelin u noqon doonto isaga iyo masuuliyiinta hoggaamisa hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here