Xoghayaha Xisbiga UCID oo U Kuur Galay Xaalada Suuqa Waaheen

0
641

Hargeysa (Hargeisa Press) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Muj. Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxaa uu booqasho ku tagay suuqii gubtay ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Ujeedka booqashada ee Xoghyaha guud ee xisbiga Ucid , ayaa la xidhiidhay sidii uu ugu kuur geli lahaa xaalada suuqa Waaheen oo dhawaan gubtay islamarkaana ay ku baaba,day hanti aad u tiro badan.

Xoghaye Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa markii uu Suuqa booqday waxaa ku soo dhaweeyay Maayarka magaalada Hargeysa iyo Maayir ku xigeenka iyo gudida dib u dhiska suuqa.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Muj. Ibraahim Cabdi Xuseen, ayaa waxaa uu sheegay inay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee dhowaan gubtay ay si wanaagsan uga socotay shaqada dib loogu habaynayo suuqa.

Hadaba dabkii ka kacay suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka dhashay Khasaare lixaad leh oo malaayiin doolar gaadhaya, iyada oo khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ay xukuumadda Somaliland ku sheegtay inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar.

Suuqa oo ku fadhiya masaafo gaadhaysa 5KM, ayaa tan iyo wakhtigan waxaa soconaya dedaallada lagu taakulaynayo ganacsatadii ku hanti beeshay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here